Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dagaal kharaar oo ka dhacay Magaalada Janaale
    Somalia

    Dagaal kharaar oo ka dhacay Magaalada Janaale

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 30, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wararka ka imaanaya magaalada Jannaale ee Gobolka Shabeella Hoose ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay caawa deggan tahay kadib dagaallo qaraar oo maanta halkaasi ku dhexmaray ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda iyo maleeshiyada Al-Shabaab.
     
    Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dagaalku ka dambeeyey markii ciidamada isbahaysanaya ay saaka weerar ku qaadeen magaalada iyaga oo halkaasi ka qabsaday Al-Shabab. Duhurnimadii ayaa la sheegay Al-Shabab inay soo rogaal celiyeen balse mar kale waxaa dib u riixay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladda.
     
    Gelinkii dambe ee maanta ayaa la sheegay inay ciidamadaasi ay dib ugu soo gurteen degaanka Buufow oo ay hore dagaalka uga qaadeen, waxaana dadka degaanka sheegeen in xilligan ay magaalada Jannaale gacanta ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.
     
    Ugu yaraan 5 qof ayaa la sheegay inay dagaalladaan ku dhinteen, sida ay dadka deegaanku ay xaqiijiyeen.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.