Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Danjiraha Maraykanka ee Somaliya oo hanbalyo ku aadan 1-da Luulyo udiray Umada Somaliyed
    Somalia

    Danjiraha Maraykanka ee Somaliya oo hanbalyo ku aadan 1-da Luulyo udiray Umada Somaliyed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 2, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Stephen M. Schwartz ayaa warbixin uu ku soo aadiyay sanad guuradii 57 ee xoriyadda Soomaaliya waxaa uu ku sheegay in dalka uu ka soo kabaneyo burburkii soo maray isla markaana uu hadda hayo waddadii dib u dhiska.
     
    “Tani iyo imaatankeyga Soomaliya sanad ka hor anigoo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya waxaan goobjoog u ahay horumar balaaran oo Soomaaliya sameysay, hase ahaatee wali ay jirto khataro ku hor gudban horumarkaas waxaana kamid ah abaaraha ka jira dalka, dagaalka Al-shabaab dowladda kula jirto, dhaqaalaha dowladda uu yar iyo hey’addaha cadaalada oo wali sidii la rabay u shaqeynin,” ayuu yiri Mr.Schwartz.
     
    Dowladda Mareykanka waxaa ay aaminsan tahay in dowladda madaxweyne Farmaajo, xukuumadda ra’isul wasaare Kheyre ay ku howlan yihiin sidii dalka ugu hirgelin lahaayeen nabad iyo xasilooni, dib u heshiisiin, iyo in shaqooyin loo abuuro dadka Soomaaliyeed.
     
    “Anaga iyo beesha caalamka waxaan si dhow ula shaqeyneynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada kale ee dalka ka jira si nolashada dalka Soomaaliyeed kor loogu qaado. Wadajir u shaqeyntu waxaa ay ka hor tagtaa in macquul ka dhacdo dalka, sidoo kalena waxaan ka shaqeynaynaa dib u habeynta laamaha amniga ee dalka si ammaanka iyo kala dambeynta loo soo celiyo, waxaana taageersanahay ololaha xasilinta caasimadda ee Muqidsho”.
     
    Danijire Schwartz ayaa sidoo kale warka ks oo baxay safaaradda Mareykanka ku sheegay in horumarkna lagu sameeyo muddo gaaban isla markaaana in nabad iyo xasilooni Soomaaliya laga hirgeliyo u baahan tahay in la sii joogteeyo si horumarkan wax ku ool u noqdo, waxaana loo baahan in dadka Soomaaliyeed iyo saxiibadooda caalamka ay ka wada shaqeyn doonaan.
     
    “Horumarkan ma hagal daacin karaan koox kamid ah muwaadiniinta ka faa’ideya dambiiliyaasha ka baqaya ku dhaqanka sharciga iyo isla-xisaabtanka,” ayuu markale yiri Schwartz.
     
    Waxaan ugu baaqeynaa hey’adaha dowladda sida fulinta iyo sharciga dejinta in ay dhinac iska dhigaan kala duwanaanshahooda siyaasadeed diiradana saaraan ka miro dhalinta waxyaabaha hor-tabinta u leh:
     
    Jabinta argagaxisada iyo dib u dhiska hey’adaha amniga ee dalka,
    Dardargelinta dakhliga dalka, abuuridda ilo dhaqaale iyo dejinta sharuucda wadaaga kheyraadka dalka ,
    Dib u eegista dastuurka iyo afti u qaadistiisa.
    K shaqeynta doorasho qof iyo cod ah.
    Xoojinta dib-u- heshiisiita oo ay ku jirto wadahadalka Soomaaliland.
    Xoojinta dhaqaalaha dalka, shaqo abuurka iyo la dagaalanka musuq maasuqa.
    Iyo meel marinta hindise sharciyeedyada ay kamid yihiin xeerka isgaarsiinta, la dagaalanka musuq maasuqa, waxbarashada iyo kuwo kale.
    Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Mr. Schwartz ayaa sidoo kale warbixinta uu soo saaray ku sheegay in shaqoooyin badan ay horyaalaan Soomaaliya hase ahaatee la gaari karo, isagoona dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dul qaad la yimaadaan isla markaana dhibaato socotay muddo 30 sano ku dhow aan lagu xalin karin sanad iyo wax la mid ah.
     
    Dadka Soomaliyeed ayuu sheegay in looga baahan yahay in ay ahaadaan kuwo feejigan lana shaqeeya dowladooda isla markaana kula xisaabtamaan danahooda.
     
    Ugu dambeyntii Schwartz ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ku faaneyso xiriirka xoogeysanaya oo ay la leeyihiin Soomaaliya ayna ka go’an tahay in ay kala shaqeeyaan did u dhiska dalka, dimograadiyada, nabadda iyo sidoo Soomaaliya u noqon laheyd qaran barwaaqo ah.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    August 24, 2025

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    August 24, 2025

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.