Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dawlada Somaliya oo si kal iyo laab ah ugu mahadcelisay Dawlada imaaraadka carabta
    Somalia

    Dawlada Somaliya oo si kal iyo laab ah ugu mahadcelisay Dawlada imaaraadka carabta

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 21, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Fadaraalka ee Soomaaliya ayaa si kal iyo laab ah uga mahadcelisay Dowladda iyo Shacabka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo maalinta Jimcaha aheyd iclaamiyey u gurmadka abaaraha dalka ka jira oo dhammaan TV-yada Imaaraadka ay si toos ah (live) ugu ololeynayaan in shacabka Imaaraadka uu lacago u ururiyo Abaaraha Soomaaliya.

     Wasiirka Warfaafinta Dawalada fadaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) oo kulan gaar ah la qaatay Safiirka Imaaraadka  u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Al-Othman ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee dalka Imaaraadku uu u fidiyo Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo weliba gaar ahaan qorshaha ololaha lacag ururinta ee maalinta Jimcaha ah ee 21ka April 2017 oo dhammaan telefishinada dalka Imaaraadka ay si toos ah (live) lacag ururin ugu sameynayaan u gurmadka abaaraha Soomaaliya saacadaha 1da duhurnimo ilaa iyo 7da fiidnimo.

    Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Soomaaliya ma iloobi doonto cid kasta oo u soo gurmata waqtigan xasaasiga ah oo ay shacabka Soomaaliyeed la tacaalayaan abaaro ba’an oo laga cabsi qabo in macluul ay dalka ka dilaacdo. Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) oo si toos ah u gar-gaara shacabka tabaaleysan ee u baahan gar-gaarka waan uga mahadcelineynaa u gurmadka waqtigan xasaasiga ah iyo u asteynta maalinta Jimcaha ee 21ka April 2017 ee dhammaan TV-yada dalka Imaaraadka ay Olole lacag ururin u sameynayaan dadka abaarahu aafeeyeen oo la filayo in 100 milyan oo lacagta Imaaraadka ah in la ururiyo.”

    Wasiir Eng. Yarisow ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed oo in muddo ahba kaalin firfircoon ka qaadanayey u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen inay sii labo jibaaraan dadaalkooda oo ay Ololaha Imaaraadka ee lacag ururinta ay si xoog leh uga qeybqaataan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.