Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhagayso:-Beyle iyo fargeeto oo xilkii lakala wareegay iyo Rw Khayre oo ka qaybgalay
    Somalia

    Dhagayso:-Beyle iyo fargeeto oo xilkii lakala wareegay iyo Rw Khayre oo ka qaybgalay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 1, 2017Updated:April 1, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Muqdisho, April 1, 2017——Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa saaka ka qeybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda mudane Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasoo xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada Mudane Maxamed Aadan Fargeeti.
     
    Ra’iisal Wasaaraha ayaa munaasabadan ka hadlay ayaa u mahadceliyay madaxdii hore ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna ammaanay dadaalkoodii iyo heeka ay soo gaarsiiyeen Wasaaradda Maaliyadda oo suurtageliyay in dhismaheedii ay dib ugu shaqo bilowdo burburkii kadib.
     
    Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa dardaaran adag u jeediyay Wasiirka cusub Dr. Beyle iyo kuxigeenadiisa, waxa uuna kula dardaarmay inay ka fogaadaan nooc kasta oo musuq maasuq la xiriira, isaga oo xusay in nidaam cusub oo isla xisaabtan uu bilowday, loona baahan yahay in laga dhabeeyo.
     
    “Waxaa la idinku aaminay canshuurtii shacabka, waxaan idiinkaga digayaa inaad ka fogaataan musuq maasuq nooc kasta oo uu yahay, shaqaalaha Wasaaraddana waxaan ka codsanayaa inay ku garabsiiyaan madaxda cusub sidii ay u dhaqangelin lahaayeen nidaamkan cusub ee isla xisaabtanka dhabta ah” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Kheyre.
     
    “Ma aqbali doono aniga iyo madaxweynahaba in la qiymaameeyo shillin ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, waana ku jihaadeynaa, qof kasta oo naga mid ahna waa inuu ku jihaado sidii loo cirib tiri lahaa musuq maasuqa dalkan la haray” ayuu si adag u yiri mar kale.
     
    “Meel uu musuq ka jiro Amni kama jiro, meel uu musuq ka jiro horumar kama jiro waxaana la idiinkaga baahan yahay in hogaanka Wasaaraddu uu Astaan u noqdo aaminaad iyo illaalinta hantida shacabka”.
     
    Ra’iisal Wasaaraha ayaa carabka ku adkeeyey in la illaaliyo ammaanada shacabka, si buu yiri loo helo kalsoonida shacabka iyo beesha caalamkaba.
     
    “Waa ceeb inaan bixin weyno Mushaaraadka ciidamadeena iyo shaqaalaheena, waana in qof kasta oo shaqaale dowladeed ah uu helaa xaquuqdiisa, qof kasta oo dowladda u shaqeeyana waa in dowladdu ka heshaa wax qabad, howlkarnimo iyo daacadnimo, si dalku horumar ugu talaabsado” ayuu yiri ugu dambeyn Ra’iisal Wasaare Kheyre oo ka hadlayay munaasabada xil wareejinta Wasaaradda Maaliyadda.
     
    —-DHAMMAAD—-
     
    Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
    Halkan ka dhagayso codka kala wareejinta
    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2017/04/kh.mp3
    a
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.