Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Farmaajo oo dagaal siyaasadeed ula bareertay Puntland iyo Jubbaland!!!
    Somalia

    Dowladda Farmaajo oo dagaal siyaasadeed ula bareertay Puntland iyo Jubbaland!!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 21, 2017Updated:March 21, 20171 Comment3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Xasan Cali Khayre Ra’isalwasaaraha dhawaan la magacaabay ayaa maanta ku dhawaaqay golaihisii wasiirrada oo ka kooban 26 xubnood.
     
    Xubnahan loo magaacabay wasiirada ayaa iskugu jira masuuliyiin xilal hore usoo qabtay iyo kuwo ku cusub masraxa siyaasada Fadaraalka.
     
    Wasiirada ugu muhiimsan ee Dawlada khayre ayaa kala ah:-
     
    A.Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo haatan loo magacaabay inuu noqdo wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle.
     
    B.Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Cabdi faarax juuxaa oo loo magacaabay  Wasiirka Arimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta.
     
    C.Madaxii hore laanta Afka somaliga ee BBC-da oo loo magacaabay Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya.
     
    D.Marwo Maryan Qaasim Hooyo xushmad badan loo hayo caana ku ah Daacadnimo iyo wadaniyad.horayna usoo noqotay Wasiirka Arimaha Bulshada,ayaa loo magacaabay Wasaarada cusub ee lagu soo daray Golaha taasoo ah Wasaarada Gargaarka.
    Dhanka kale xogaha laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo oo ay la xiriirtay warbaahinta caalamiga ah ee idilnews, ayaa tilmaamaya in dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka aysan ku faraxsanayan Golahan cusub,,taa badalkeedana ay ka caroodeen tixgalin la’aan lagu sameeyay xubnihii ay soo gudbiyeen.
    Puntland iyo Golaha Wasiirada ee cusub”
     
     
    Madaxweyne Gaas ayaan haba yaratee wax tixgalina lasiin xubnihii usoo gudbiyay.
     
    Cabdiweli ayaa keenay xubno ka kala soo jeeda beelaha Puntland sida :-
     
    Majeerteen,Dhulbahante,Warsengeli,Leelkase,Awrtable iyo Dishishe,dhamaan xubnaha usoo gudbiyayna waa laga tegay haba yaratee wax tixgalian ma helin codsigii Gaas,taasoo ku noqotay Puntland waxay la yaabeen.
    Jubaland iyo Golaha wasiirada ee Cusub”
     
    Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa soo gudbiyay xubno ka socda beelaha Jubaland,mana helin wax tixgalina si la mid ah Madaxweyne Gaas,sidoo kale jubaland waxay ku noqotay arintaas wax ay la cajabeen.
     
     
    Codsiyada Dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka ayaa Ra’isalwasaare Khayre aad iskugu dayey in uu tixgaliyo,balse waxuu dhaafi waayay Madaxweyne Farmaajo oo si cad u hor istaagay.
     
    Cabashada Beelaha iyo Golaha Wasiirada ee cusub”
     
     
    Waxaa soo baxaya cabashooyin ka imaanaya beelaha Soomaaliyed oo durba saluugay saamiga ay ka heleen Golaha Wasiirada.
     
    Beelaha saluugsan saamiga ay heleen ayaa laga xusi karaa,
     
    -Habargidir oo saluugsan Arrimaha Dibadda,
     
     
    -Raxanweyn oo saluugsan shaqsiga loo magacaabay Wasaarada Gaashandhigga,
     
     
    -Majeerteen oo saluugsan Wasaaraddii Arrimaha Gudaha iyo Amniga oo lakala jaray.
     
     
    Ra’isalwasaare Khayre ayaa sheegay inuu soo magacaabay sida uu hadalka u dhigay ”shaqsiyaad matali kara shacabka, lehna karti ay ku meel mariyaan Qorshaha Xukuumadeyda”.
    Qiimaynta falanqeeyayaasha siyaasada iyo Golaha cusub”
     
     
    Xamar wixii ka dhacay:-
     
     
    1. Farmaajo oo u diiday RW inuu Xukuumadda soo dhiso sida Dastuurku qabo
     
     
    2. Xukuumaddii ugu balaarnayd ee Taariikhda Soomaaliya soo marta 65 Wasiir, Wasiir Dowlo iyo ku xigeeno ayadoo dalka abaar xumi ka jirto .
     
    3. Farmaajo oo diiday inuu wadatashi la sameeyo madaxda D.goboleedyada  sidii lagu balansanaa. Madaxda D.Goboleedyada  oo horay u soo xulay Baarlamanka doortay asaga.
     
    4. Farmaajo oo ku gacan seyray beesha caalamka markii ay ka codsadeen dowlad kooban oo tayo leh.
     
     
    5. Farmaajo oo Xukuumadda ku soo guray shaqaalihii iyo taageerayaasha Xasan Sheikh sida Yariisow, Abdullahi Hamud iyo xildhibaano sideed gaaraya .
     
     
    6. Arrintaasi waxay dhabar jab ku tahay is beddalkii la sugayey
     
    7. Kooxda Ictisaam oo noqotay cidda keliya ee Farmaajo wax ka maqlo.
     
     
    Dowladdan ayaa Magaalada Muqdisho loogu yeeraa Candho’-wadaag
     
     
    Isku soo wada duuboo Golahan cusub ayaa waxaa horyaala imtixaan adag oo uu ugu horeeyo ka gudbida Baarlamaanka labadiisa Gole.
     
     
     
    Jibril Qoobey.
     
     
     
     
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.