Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Sacuudiga oo Safiir cusub u magacaawday Soomaaliya
    Somalia

    Dowladda Sacuudiga oo Safiir cusub u magacaawday Soomaaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 9, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad u soo magacowday safiirkeeda cusub ee u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo la filayo inuu soo gaaro Magaalada Caasimadd ah ee Muqdisho.

    Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan, Binu Cabdulcasiis Aala-Sacuud ayaa aaladda fogaan aragga ee ZOOM-ka ku dhaariyay Safiirka cusub ee Sacuudiga ee Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad, waxaana Ninka lasoo magacaabay uu yahay madow Sucuudiyaan ah.

    Madasha dhaarinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhaxal sugaha Amiir Muxamed Bin Salman, Wasiirka Arrimaha Dibadda Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah,Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Walid bin Abdul Karim Al-Khuraji iyo Khaled bin Faisal Al-Sahli, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Hab-maamuuska.

    Dhawaan ayey markii Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Sacuudiga Danjire Saalim Macow Xaaji uu waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Boqorka dalka Sacuudiga Salmaan Bixin Cabdicaiis.

    Danjire Saalim Macow ayaa uga mahadceliyay dowladda Sacuudiga sida ay u soo dhaweeysay, waxaana uu sheegay in uu wax weyn ku kordhin doono horunarinta iyo cilaaqaadka iyo wax wada qabsiga ay wadaagaan labada dowladood.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.