Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay difaacaneyso Badeeda
    Somalia

    Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay difaacaneyso Badeeda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 14, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Bilaal Maxamed Cusmaan, ayaa sheegay dowladda Kenya in aysan wax dan ah ugu jirin inuu xumaado xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya.

    Wasiir udowlaha ayaa sheegay dowladda Soomaaliya in ay ka shaqeynayso sidii xirirka labada dal uu u noqon lahaa mid wanaagsan. Laakiin, wuxuu caddeeyay haddii Kenya ay diido arintaas in ay Soomaaliya u taagan tahay difaaca baddeeda.

    “Waxaan aaminsanahay in shacabka iyo dowladda Kenya ay ogyihiin in aysan wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka labada dal, waxaan ka shaqeyn doonaa dhankeenna in uu wanaagsannaado xiriirka labada dal, laakin haddii ay diidaan waxyaabaha ay nabaddu ku hagaageyso, dowladda Soomaaliya waxa ay u taagan tahay oo mas’uuliyadeedu tahay difaaca dadkeeda, dalkeeda, diinteeda iyo biyaheeda,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Bilaal Maxamed Cusmaan.

    Hadalka wasiiru dowlaha ayaa yimid, xilli ay dowladda Kenya ay kasoo horjeesatay go’aankii kasoo baxay maxkamadda ICJ, ee Soomaaliya loogu xukumay dhul baddeedkii ay Kenya haysatay.

    Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ku biirtay dalalka UK iyo USA, kuwaas oo horey u diiday go’aamo maxkamaddeed oo kasoo baxay maxkamadda caddaalada adduunka ee ICJ.

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay ka shaqeeyaan sidii iyaga iyo Soomaaliya loo dhex dhexaadin lahaa, si ay is-afgarad uga gaaraan arrimaha baddda.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.