Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Fahad Yaasiin oo laga reebay duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho
    Somalia

    Fahad Yaasiin oo laga reebay duulimaadkii Turkish Airlines ee Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 18, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saaka garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Aden Adde ay ka soo degtay diyaaradda Turkish Airlines oo shalay dib uga laabatay dalka Jabuuti, kaddib markii ay heshay amar ah in rakaabka saaran aysan Muqdisho iman karin.

    Ilo ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa VOA u xaqjiiyay in duulimaadkii maanta aanu la socon La-taliyaha Amniga Qaranka Fahad Yaasiin, oo ka mid ahaa rakaabkii duulimadkii shalay dib looga celiyay Jabuuti.

    Shalay, war saxaafadeed kasoo baxay Af-hayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawlada Jabuuti ay Fahad Yaasiin ku xannibtay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti, iyadoo ku tilmaantay ‘mid aan sharci aheyn oo aan sii xoojineyn xiriirka labada dowladood’.

    Dowladda Jabuti ayaa dhinaceeda iska fogeysay eedeynta loo soo jeediyay, waxayna dhinaca kale xaqiijisay in dhammaan dadkii saarnaa dib loogu celiyay magaalada Istanbul oo markii hore duulimaadkani ka yimid.
    VOA

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.