Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Falanqeyn safarka madaxweyne Gaas ee Cadaado.WQ.Mahamed Caalim
    Somalia

    Falanqeyn safarka madaxweyne Gaas ee Cadaado.WQ.Mahamed Caalim

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 30, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safarka madaxweyne Gaas ee Cadaado ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee loo qaaday dhinaca nabada aniga waxay ilatahay in inta nabada jecel ku amaani doonaan madaxweyne Gaas in uu ka soo baxay balanqaadkii ahaa in dadka iyo dadka soomaaliyeed Nabadeyn teeda uu ka shaqayn doono.

    Wuxuu si shaqsi ah u aaminsan yahay wax Nabad lagu waayey colaad laguma helo karo Taasna waxaa Mar khaati ka ah waqtiga uu xilka Madaxweyn puntland hayo waxaa aad u yaraadey dagaalada dhex mara Qabaa’iilada dega puntland. Iyo xukumadiisa.

    Waxaa magaalada Cadaado ku sugan wufuud badan oo ka qaybgalaya Caleema saarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele (Xaaf) oo bishii Abril ku guuleystey in uu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

    Waxaa kaloo aan falanqeyn tayda ku muujinayaa in Madaxweyne Gaas Doonayo inuu Taageero wasiirkiisa reer puntland ee waqtigan ah wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Dawlada Faderaalka soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa markaa waxaa iska cad in Tagida Madaxweyne Gaas ee magaalada cadaado ay Qeyb ka Tahay Dib u heshiinta shacabka soomaaliyeed Gaar ahaan reer Gaalkacayo

    Waxaa kaloo maanta cadaatey in madaxda Dawlad Gobaleed yada waxay meel cad uga midoobeen in la iska ilaaliyo aan awood badan la siin Dhamaan kooxaha sheegta Magac yada Diinta islamka sida Ahlu Sunna Waljama’a oo markii hore loo arayey koox u dhaw madaxda Dawlad Gobaleed yada kale .

    arinkaa maanta meesha waa laga saaray. Taasi waxay keentay inaan khudbadihii ay jeedinayeen Madaxda soomaalida oo dhan aaney xoog saanin muhiimka kooxda Ahlu Sunna Waljama’a.

    Waxaan falanqeynta ku soo Gaba gabeynaa maxay ka dhigan tahay Tagida Madaxweyne Gaas Magaalada Cadaado. Wuxuu tix galinayaa in la sii wado hishiiskii Taariikhiga ahaa ee lawada xasuusto.

    Heshiiskii 1993- ayaa ahaa markii Gen. Max’ed Faarax Caydiid allaha u naxariistee labada Marxuun C/llalahi Yuusuf ay heshiis ku kala saxiixdeen Magaalada Gaalkacyo, heshiiskaas oo dhigayey in si nabadgelyo loogu wada noolaado Magaalada

    Waxaan falanqeyn tayda aan ku soo qaatey Tagida Madaxweyne Gaas magaalada cadaado ku soo Gabababeyayaa wax baden ayey isaga mid yihiin Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyne Cabdulaahi yusuf ilaha ha u naxariistee laba duwaba waxay ka baadeen isku day dil oo aad khatar u ah oo kooxda alshabaab si weyn u soo Qorsheeyeen

    Maxay tahay khatarta uu qaatey Gaas?

    Dr.Cabdiweli Cali Gaas waxa uu ahaa isaga iyo Xaaskiisa Drs. Hodan Siciid Ciise macalimiin wax ka dhiga jaamacadaha Maraykanka, ma ahan shaqo sahlan in shaqadaadi hore laguugu bedelo mid noloshaaduba khatar ku geli karto, waxaa xasuus mudan khatartii uu ku galay isku daygii la doonaayey in lagu khaarijiyo isaga iyo xukuumadiisa Badbaado Qaran taas oo ka dhacdey Tiyaatarka Muqdisho bishii April 2012, taasi

    ilaa waqtigaa wali wuxuu doonayaa inuu siyaasada Guul ka gaaro. Madaxweyne Gaas

    Waana nin mucaarad madan sida cabdulaahi yusuf uu ahaan jiray mucaaradka madaxweyne Gaas waa kooxa kala Qaybsan oo dangaara ku mucaaradaya

    Qore Maxamed Caalim

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    June 19, 2025

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.