Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Farmaajo oo ka horyimid shaqo joojinta lagu sameeyay Fahad Yaasiin (Akhriso)
    Somalia

    Farmaajo oo ka horyimid shaqo joojinta lagu sameeyay Fahad Yaasiin (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 6, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka horyimd Amarkii Ra’iisul Wasaare Rooble uu shaqada uga joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin, uguna magacaabay Agaasime KMG ah.

    Waraaq kasoo baxday goor-dhaweyd Xafiiska Farmaajo ayuu ku sheegay in go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu baalmarsan yahay dastuurka, uuna dhiiragalinayo Argagixisada, isagoona faray Fahad Yaasiin inuu sii hoggaamiyo Hay’adda NISA.

    Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka Farmaajo.
    Sibteembar 06, 2021;

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

    Markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsan shaqo ka joojinta Taliyaha HNSQ iyo magacaabista Taliye Kumeel Gaar ah;

    Markii uu arkay; qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, uuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida;

    Markii uu arkay; qodobada 97-aad iyo 100 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee JFS oo hagaya awoodaha Laanta Fulinta iyo Xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xilka-qaadista Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ku eg talo-soojedin iyo fulinta howlaha horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka,

    Madaxweynaha Jamhuuriyada isagoo dareensan muhiimadda ay amniga dalka u leedahay hay’adda Nabad Sugidda iyo kaalinta ay kaga jirto ka hortagga khataraha argagaxisadu ku hayaan Soomaaliya iyo saaxibbada caalamkaba;

    Madaxweynaha JFS oo ilaalinaya masuuliyadda ka saaran joojinta tillaabo kasta oo dhiirrigelin u noqon karta kooxaha arrgaxisada, wiiqaysana sumcadda iyo kaalinta shaqo ee laamaha amniga.

    Wuxuu soo saaray qodobadan;

    1. Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka.

    2. Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay.

    3. Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa la farayaa in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka.

    4. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka.

    DHAMMAAD

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.