Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha wasiirada fadaraalka oo anisxiyay sharciyada isgaarsiinta iyo la dagaalanka argagixisada
    Somalia

    Golaha wasiirada fadaraalka oo anisxiyay sharciyada isgaarsiinta iyo la dagaalanka argagixisada

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Golaha wasiirada fadaraalka oo maanta oo khamiis ah yeeshay kulankoodii todobaad laha ahaa,ayaa ansixiayay sharciyo muhiim ah.
     
    Goluhu waxuu ansixiyay sharciga isgaarsiinta iyo la dagaalanka argagixisada.
     
     
    -Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Khayre. Arrimaha diirada lagu saaray shirkan waxaa ka mid ahaa ansixinta Shuruucda Isgaarsiinta iyo La-Dagaalanka Argagaxisada iyo arrimo kale.
     
    Ra’iisul Wasaaraha oo furay shirka ayaa sheegay in Xukuumadu ay ahmiyad gaar ah siineyso sidii dalka u yeelan lahaa shuruucda muhiimka u ah dowlad wanaaga.
     
    Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn si kulul u cambaareeyey Qaraxyadii argagaxisada ay ku bartilmaameysanayeen shacabka, ee kii maanta wadada Makka Al-Mukarama iyo tii xarunta degmada Wadajir. Golaha ayaa shacabkii ku geeriyooday EEBBE uga baryey inuu Jannadii Fardowza ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna EEBBE u sahlo dhaawacooda. Golaha ayaa Dowlada Sucuudiga uga mahadceliyey dhaawacii dalka Sacuudiga loo qaaday.
     
    Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknoloojiyada ayaa Golaha Wasiirada warbixin ka siiyey Hindise Sahrciyeedka Isgaarsiinta, doorarka uu soo maray iyo muhiimada uu dalka u leeyahay. Wasiirka ayaa sheegay in wadatashi dheer oo lala sameeyey shirkadaha Isgaarsiinta, Wasiirada Dowlad Goboleedyada iyo qeybaha ay khuseyso in la soo diyaariyey Xeerka Isgaarsiinta oo faa’iido weyn u leh shirkadaha isgaarsiinta, shacabka isticmaala adeegyada isgaarsiinta iyo shacabka guud bacdamaa dowladdu heleyso dakhli ka soo gala canshuurta isgaarsiinta. Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiirada si wadar-oggol ah ku ansixiyeen Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta oo dhowaan loo gudbin doono Golaha Shacabka.
     
    Wasaaradda Garsoorka ayaa golaha Wasiirada horkeentay Hindise Sharciyeedka La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo muhiim u ah dowlad wanaaga, isla xisaabtanka iyo kordhinta dakhliga dowlada. Dood dheer ka dib ayey Golaha Wasiiradu si wadar-oggol ah ku ansixiyeen Sharcigan oo dhowaan la horgeyn doono Baarlamaanka.
     
    Ugu danbeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo sharciyo muhiim u ah dalka la ansixiyey, lana rajeynayo in shuruucda harsan dhowaan la horkeeni doono golaha wasiirada. Ra’iisul Wasaarahaa ayaa wasiirada ku booriyey inay soo dedejiyaan Hindise Sharciyeedyada ay ku howlan yihiin si Xukuumada ay u gudato waajibaadka loo igmaday, dalkana loo gaarsiiyo doorashooyin hal cod iyo hal qof ah.
     
    —-DHAMMAAD—-
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.