Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Wasiirada Puntland oo loo qeybiyay xeerka caanaha Biyaha (VIDEO)
    Somalia

    Golaha Wasiirada Puntland oo loo qeybiyay xeerka caanaha Biyaha (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 30, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

    Shirka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa todobaadkan looga hadlay amniga, ansixinta Siyaasadda Biyaha Puntland, ansixinta wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga, Xeerka Caanaha, dib-u-habeynta iyo dayactirka Waddooyinka Puntland iyo xaaladda degmooyinka Puntland.

    Golaha Wasiirada ayaa dood dheer kadib ansixiyey Siyaasadda Biyaha Puntland iyo wax ka bedel lagu sameeyay Xeerka Rugta Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga. Sidoo kale waxaa Golaha loo qeybiyay xeerka Caanaha Puntland oo ay mudaneyaashu soo akhrin doonaan.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay adeega dadweynaha loo hayo iyo sidii loo sii horumarin lahaa, wuxuuna Madaxweynuhu la wadaagay Golaha Wasiirada in la dhiirigeliyo ganacsatada yaryar.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.