Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hawlgalkii Ciidamada xasilinta xamar oo guul ku dhaw
    Somalia

    Hawlgalkii Ciidamada xasilinta xamar oo guul ku dhaw

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 3, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Is bedel weyn ayaa laga dareemayaa waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo magaalada inteeda badan uu ka yaraaday hubkii iyo ilaaladii fara badnaa ee ay ilaalin jireen mas’uuliyiinta dowladda iyo saraakiisha ciidamada.
     
    Go’aankii Golaha Wasiirada soo saareen ee ku aadanaa in amniga Caasimada ayaa intiisa badan dhaqan galay, iyadoo qodobka ugu muhiimsan oo ay shacabka u riyaaqeen uu yahay qodobka ilaalada mas’uuliyiinta dowladda iyo yareynta hubkii lagu ilaalin jiray
     
    Wadadada Maka Al-Mukarama iyo waddooyinka kale ee magaalada ayaa waxaa ka yaraaday baabuurtii ciidanka aheyd ee saarnaa qoryaha dagaalka, taasoo nafis badan ay dareemeen shacabka, isticmaalka wadadana uu noqday mid si degan oo nabadgelyo ku jirto dadka u maraan.
     
    Shacabka ayaa ku dhib qabay baabuurta dagaalka ay wataan ciidamada oo marka ay wadada marayaan geysta dhibaatooyin iyo xadgudubyo, waxaana mararka qaar ay ku taagi jireen qoryaha.
     
    Waxaa yaraaday ilaaladii badneyd ee gaadiidka lagu ilaaliyo mas’uuliyiinta, waxaana gaari kasta ku arkeysa 3 illaa afar askari oo wata qoriga AK47, kuwaasoo si edeb ku jirta wadada u marayaan.
     
    Ciidamadii Milateriga ee magaalada ku sugnaa ayaa dibadda looga saaray, kuwaasoo la geeyay xerooyinkooda, taas ayaana loo aaneynaa inay yareysay dhibkii dadka ku qabeen marida waddooyinka.
     
    Wadooyinka caasimadda Muqdisho ayaa cidla ah mana arkayso gaadiid fara badan oo hub saaran yahay sidoo kale madaxda iyo Wasiirada Dowladda hubkii faraha badnaa ee lagu ilaalin jiray hoos ayuu u dhacay.
     
    Dadka ka faalooda arrimaha amaanka waxay leeyihiin haddii si dhab ah loogu howlgalo hub ka dhigista oo aan la joojin waxaa hubaal ah in wax badan iska bedeli doonaan ammaanka caasimadda Muqdisho.
     
    Go’aanadii ay Xukuumadda soo saartay todobaadyo ka hor ayaa waxaa ugu muhiimsanaa in aan magaalada lagu arki karin askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin, in gaadiid tikniko aan aheyn kuwa ciidamada xasilinta aan magaalada lagu arkin, iyo mas’uuliyiinta oo aan lagu ilaalin karin wax ka badan afar askari iyo qoriga AK47 kaliya.
     
    Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee loo qaado amniga, maadaama amni darada ay qeyb ka ahaayeen ciidamada, gaar ahaan marka ay wadada marayaan in rasaas maalayacni ay ku ridaan dadka shacabka ee gaadiidka saaran iyo inay wadada ku maraan si xoog ah oo aan akhlaaq ku jirin.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    June 19, 2025

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.