Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Himilada Gaas Waari Mayside War Hakaa Haro,WQ.Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
    Somalia

    Himilada Gaas Waari Mayside War Hakaa Haro,WQ.Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 8, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh

    Aadamaha garaadka isticmaalaa waxaa dhaqan u ah galgalasho habeen iyo dhafoora hayn maalmeed markay nafta ku daashaaan inay go’aan sadaan inay meel bar tilmaamaystaan, markay quluubtooda ka daadegto ayeey u hawl galaan sidii ay ku gaari lahaayeen meeshaas u calaamadaysan… Falka noocaas ah ayaa la yiraahdaa Himilo markii dhanka aadanaha loo eego… Markaan muuqaalka ficilka Gaas nooga muuqda miiska saarno oo baaris iyo shaqshiqid ugu dhaqaaqno, waxaa ka nuuraya in bar tilmaansigiisu yahay waari mayside war hakaa haro…

    Dhulka Puntland waxaa ku badnaa degaanno aan biyaha haqab beel badan ka haysan… Arinkaas biyaha ah waxaa Gaas hawlgaladiisa nooga muuqda in degaanno badan ceelal laga qoday oo meeshiiba dhowr ceel loogu deeqay…. Waxaa taas sii raacay in Gaas u hawlgalay in degaannada Puntland laga sameeyo biyo xireenno, si biyahaas roobka ee badda ku shubma looga faa’iidaysto…

    Shacabka Puntland ee dibadaha u dhoofa ama ka yimaada waxaa dhibaato dayac badan ay kala kulmayeen Diyaaradaha lagu kala wareejin jiray… Jabuuti, Addis, Berbera, Xamar Iyo Hargaysa, dayaca haysatay waxaa ugu fududaa boorsooyinkooda oo lagala haro iyadoo lagu qanciyo in lagu dejiyey magaalo hebla loona keeni doono taasina aakhir ahaan dhasho inay ka samraan… Arinkaas Gaas hawlgalkuu ka sameeyey waxaa muuqata Garoomada qaar haatan la inticfaadsado sida Boosaaso, Qaar idanka Allah mardhow shaqo bilaabi doonaan sida Garoowe, Qaarna gacanta la saari doono sida Gaalkacyo…

    Safarka Badda ee Puntland, waxaa jirta in maraakiibta waawayni aanay kusoo xiran karin Dekadda Boosaaso, taasina ay dhashay inay ku xirtaan UAE ama Berbera oo markaa Doonyo ama Baabuuri kasoo daabusho, dhibta lagala kulmo waxaa ugu sahlan sicirka macayshadaha oo qaali noqda, arimaha khaasaraha ee doonyo lunka iyo baabuur leexsiguna ay yihiin arimo dhibaal badan baayac mushtarka ku haysa… Arinkaas Gaas waxaa ka muuqata inuu u hawlgalay inuu helo xalkii looga bixi lahaa, waxaa qalinka lagu duugay Dekedda Boosaaso inay la sinnaanto ama kaba waynaato dekedihii maraakiibtaasi ku xiran jireen, waxaa kaloo jirta dekedo kale oo aan wali soo shaac bixin, hadal haynteeduse dhegaha buuxsheen….

    Safarka Dhulka Puntland, waxaa jirta degaanno Puntland ka mid ah oo ka baxsan jidka dheer ee Dawladdii Siyaad Barre dhistay.. Degaanadaas waxaa shacabka ka haysta dhanka safarka dhibaal baaxad wayn… Waxaa muuqata in arinkaas safarka dhulka Gaas u hawlgalay, sida Ceel Daahir iyo Eyl oo faraha la saaray… Waxaa kalo jira Qorshayaal loogu ruclaynayo in gobolka Raascasayr( Gardafuu) laga bilaabi doono idanka Allah waddooyin ku xira gobolada Bari, Karkaar iyo Nugaal… Qorshe kale ayaa isna jira oo ah waddooyin isku xiro doona Idanka Allah Degaanada mudug sida Garacad ilaa Galdogob…

    Gabagabadii…

    Intaas kor ku xusan ee aan ahayn been abuur iyo buun buunin…

    Haddaanay Ahayn Waari Mayside War Hakaa Haro….

    Shacabka Waxaan Ka Codsanayaa… Dammiin Baan Ahee Wax Hallay Baro….

    Qore:                         Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

    Email:                        aadciiltire@gmail.com

    Facebook:                  https://www.facebook.com/Guureey

    Website:                     https://aadciiltire.wordpress.com/

    Facebook Page:         https://www.facebook.com/AADCiiltire

     NB……. Ruuxii u isticmaala inuu isagu leeyahay Allah ayaan u wakiishay Raalina kama ahi…

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.