Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Israel oo duqeymo ka fulisay GAZA
    Somalia

    Israel oo duqeymo ka fulisay GAZA

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 29, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada cirka Israel ayaa maanta weeraray laba goob oo ka tirsan Gaza, kadib markii shacabka degan Gaza iyo ciidanka Israel ee xuduudda ay isku dhaceen, sidoo kalena buufino soo qaaday walxo qarxa lagu weeraray koonfurta Israel, sida ay ciidanka sheegeen.

    Weerarkan ayaa yimid ayada oo Masar iyo Israel ay qafiifiyeen xayiraadaha socdaal iyo ganacsi ee lagu soo rogay Gaza, halkaasi oo labada dal ay go’doomiyeen tan iyo markii ay Xamas qabsatay 2007.

    “Diyaarad dagaal oo ay leedahay Israel ayaa weerartay dhismo militari oo Xamas ay u adeegsan jirtay soo saarista hubka iyo tababarada, sidoo kalena laga soo geli jiray marin dhulka hoostiisa mara oo yimaada Jabalia,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen ciidamada Israel.

    “Weerarada ayaa jawaab u ahaa buufino soo qaaday walxo qarxa oo Xamas ay kusoo weerartay dhulka Israel, iyo banaan-baxyo rabshado watay oo shalay dhacay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

    Illaa iyo hadda ma jiraan warbixino laga heli karo Gaza oo ku saabsan wax khasaare ah oo ka dhashay weerarada Israel.

    Dibad-baxyada shalay dhacay ayaa ciidamada Israel waxay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo bambooyinka aan qarxin ku weerareen shacab Falastiiniyiin ah oo gubayey taayaro, meel ku taalla xuduudda Gaza iyo Israel.

    Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 11 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dhaawacay isku dhacyada.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.