Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»James Swan oo Xaaladda Soomaaliya uga Warbixiyay Golaha Ammaanka ee QM
    Somalia

    James Swan oo Xaaladda Soomaaliya uga Warbixiyay Golaha Ammaanka ee QM

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 18, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wakiilka Xogahaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa xubnaha Golaha Amniga ee QM warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Soomaaliya ay xilligan ku sugan tahay.

    Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa muujiyay sida weyn ee ay uga walaacsan yihiin khilaafka joogtada ah ee ka dhex taagan madaxda dowladda Soomaaliya iyo saamaynta ay ku yeellan karto jadwalka doorashada iyo hannaanka doorashada.

    Goluhu wuxuu ku booriyay dhammaan dhinacyada in ay is-xakameeyaan, wuxuuna hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

    Xubnaha Golaha Ammaanku waxa ay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada in ay ku xalliyaan khilaafaadkooda wada-hadal dan u ah Soomaaliya iyo in ay mudnaanta koowaad siiyaan si nabadgelyo ah oo ay ku dheehan tahay doorashooyin hufan, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay kuna dhacda muddadii lagu heshiiyay si waafaqsan heshiisyadii 17 -kii September iyo 27 -kii May.

    Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku boorriyay Dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka in ay hubiyaan in wixii khilaaf siyaasadeed ah aysan ka leexin tallaabooyinka mideysan ee ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.