Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kulan looga hadlayo Hannaanka wax-ka-bedelka ee Dastuurka DFS oo ka furmay Garoowe (VIDEO)
    Somalia

    Kulan looga hadlayo Hannaanka wax-ka-bedelka ee Dastuurka DFS oo ka furmay Garoowe (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 14, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril ayaa si rasmi ah u furay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Habraacyada Dastuurada.

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo ugu horeyn ka hadlay muhiimada uu leeyahay aqoon isweydaarsigu, ayaa xusay in Golaha Wakiillada Puntland uu yahay Baarlamaanka ugu muddo dheer kuwa Dawladaha Xubnaha ka ah DFS, sidaas daraadeedna Golaha Wakiillada Dawladda Puntland uu door muhiim ah ka qaadan doono Daraasadda isbarbardhiga Dastuurada.

    Furitaankii Aqoon isweydaarsiga ayaa waxaa hadalo kooban ka jeediyey Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Xiddig Warsame iyo Madaxa Xafiiska Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay ee UNDP Muuse Ducaale iyagoo sheegay muhiimada leedahay in ka qaadashada aqoon kororsigu iyo doorka ay ka qaadan karaan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

    Muddada uu socdo aqoon isweydaarsigu ayaa iyana looga doodi-doonaa hannaanka wax-ka-bedelka ee Dastuurka DFS, sooyaalka taariikheed ee Geedi-socodka Dastuurka DFS iyo kala aragti-duwanaansha Arrimaha Dastuurka DFS.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.