Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kulankii dardargalinta hawlaha xukuumada Fadaraalka oo lasoo gabagabeeyay
    Somalia

    Kulankii dardargalinta hawlaha xukuumada Fadaraalka oo lasoo gabagabeeyay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 4, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa soo xirey kulan looga hadlayey dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda, kaasi oo socday muddo labo cisho, waxaana soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo ay ka soo qeyb galay Xubnaha Golaha Wasiirada.

     Barnaamijkan oo hal Ku dhiggiisu ahaa “Kororka kalsoonida shacabku waa dakhliga Xukuumada” ayaa si ballaaran looga dooday rajada dadka Soomaaliyeed iyo daruufahooda gaar ka ah,waxana intii uu socda baahidooda laga dhagaystay qaar Ka mid ah shacabka kuwaa soo lagu marti qaaday shirka.

    Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa gudnaanadka Shirka faah faahin dheer ka bixiyay qorshaha horyaala Xukuumada iyo qaabka loo marayo fulintooda, waxana uu si gaar ah diirrada ugu saaray Midnimada iyo Wadajirka ka dhaxeeya hay’addaha sare ee Qaranka, sida Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Xukuumaddiisa.

    Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ujeedku uu yahay in dalka loo sameeyo aasaas wanaagsan oo mustaqbalka horseedi kara helista dowlad adag oo sharciga iyo kala dambeynta sugta, isla markaana caddaalad u sameysa shacabka Soomaaliyeed oo dhan. Isagoo kula dar-daarmay Golaha Wasiirada in ay la yimaadan howlkarnimo , derder geliyaana howlaha horyaala si aan marnaba dib u dhac ugu imaan shaqada. Sidoo kale waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu hoosta ka xariiqay sida ay mar walba laogama maarmaan u tahay ilaalinta hantida qaranka , ku dhaqanka sharuucda iyo qawaaniinta dalka udagsan.

    Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa xusay in Xukuumadda uu hoggaamayo ay ka go’an tahay xiriir wanaagsan oo iskaashi iyo wax-wada qabsi ku dhisay lala yeesho Caalamka, shirkanina uu yahay mid dhabaha u xaaraya sidii loo heli lahaa Dawladda ku dhisan isla xisaabtan iyo wada shaqayn. wuxuuna sidoo kale soo hadal qaaday sidii loo dajin lahaa barnaamij sal-ballaaran oo looga xaajoonayo deymaha lagu leeyahay dawladda Soomaaliya.

    Guddomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo soo xiray kulanka ayaa halkaasi ku soo bandhigay qorshaha ay Ku wada shaqeyn doonaan Baarlamaanka iyo Xukuumadda, isagoo tilmaamay in uu si wanaagsan ula shaqaynayo Xukuumadda, isla markaana loo baahan yahay in Wasaaradaha iyo Guddiyada Baarlamaanka ee wada shaqeyntu ka dhaxayso xiriir wanaagsan yeeshaan si meesha looga saaro wax walba oo caqabad ku ah shaqooyinka ka dhexeeya labada Hay’adood.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.