Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Laamaha Amniga Gobalka Bari oo amar adag la dul-dhigay (VIDEO)
    Somalia

    Laamaha Amniga Gobalka Bari oo amar adag la dul-dhigay (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 26, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kulan lagu qabtay saldhiga bartamaha Bosaaso logana hadlaayay amniga la qaatay Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobalka Bari.

    Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta wadashaqeynta laamaha amniga boosaso iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlgalada lagu xaqiijinayo.

    Taliye Xuseen ayaa dhamaan baraha kantaroolada faray in ay fajiignaan amni oo buuxa ay ka galaan dadka soo xagaa noqonaaya oo imanaya magalada Bosaaso marka laga reebo dadka Qoysaska ah iyo dadka jilicsan oo uu sheegay Taliyaha in ay si wanagsan dadkaas ciidamada ay ugu fududeyaan inta ay taagan yihiin gadiidka kalle madama wali ay kulushahay cimilada Magaalada Bosaaso.

    Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka ayaa iska xog-wareystay howlgalada magaalada ugu dambeeyay ee laga fuliyay gudaha Magaalada, waxaana Saraakiisha ay sheegeen in la iska kaashado ka hortego wx walba oo bulshada Gobalka Bari wax u dhimaaya iyadoo Taliye Xuseen ku dhiirigaliyay ciidmaada in ay howsha halkaas ka sii wadaan sidoo kalena ugu baaqay in ay wanaajiyaan habdhaqanka bulshada markii ay ku jiraan shaqadooda.

    Waxaa kaloo Saraakiisha Ciidanka amniga dowlad isla garteen dardar-gelinta sugida amniga,sidoo kalena la joogteeyo howgalada lagu sugayo amniga.

    Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya maanta sarakiisha Booliska, Taliyaasha saldhigyada kuwaas oo markasta u tagan u shaqeynta amaanka sidoo kalle ciidmaada ayaa Taliye Xuseen Faray in waqqti walba ay diyaar u ahaadan u shaqeynta Bulshada Gobalka kuwaas oo markasta Booliska ka gacansiiya Amniga ciidamada.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.