Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Laanta socdaalka fadaraalka Somaliya oo sheegatay in Norway aqoonsatay Pasport diblomaasiga ah
    Somalia

    Laanta socdaalka fadaraalka Somaliya oo sheegatay in Norway aqoonsatay Pasport diblomaasiga ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 18, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aadam Koofi, ayaa sheegay in dowladda Norway ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga gaar ahaan diblomaasiga, isagoo xusay in dabayaaqada sanadkan Norway ay Soomaaliya u soo diri doonto khubaro eegeya qabka loo bixiyo baasaboorka Soomaaliga.

    “Baasaboorkiina waa baasaboor electronic ah oo lagu kalsoonaan karo oo ay cida mas’uul ka tahay ayaan u sharaxney waana nala qaateen, waxaana rajeynaynaa in ay imaan doonaan Soomaaliya sanadkan qolyo u qaabilsan aqoonsiga documentiyada kadibna ay qiimeyn ku sameyn doonaan,” ayuu yiri Koofi.

    Maxamed Aadan Koofi, agaasimaha guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa ka codsaday madaxda dowladda iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee heysta baasaboorada ajnabiga ah in ay qaataan baasaboorka Soomaliga marka ay dalka ka dhoofeyaan oo ay ka qeybgalayaan shirarka caalamiga ah.

    “Si baasaboorka micino iyo qiimo u yeesho in qofka Soomaaliga ah ee madaxda ah in uu baasaboorka Soomaaliga ah uu qaato marka uu shaqada dowladda uu hayo,” ayuu mar kale sheegay Koofi.

    Agaasimaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa uu safari ku tagay qaar ka mid ah dalalka qaaradda Yurub oo uu kala hadlayay sidii ay u aqoosan lahayeen baasaboorka Soomaliga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.