Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Macron oo loo dhaariyay madaxweynaha France
    Somalia

    Macron oo loo dhaariyay madaxweynaha France

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 14, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Emmanuel Macron ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynaha cusub ee Faransiiska, todobaad ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

    Macron ayaa ballanqaaday in uu isbedel ballaaran ku samayn doono siyaasadda dalkaasi, uuna soo nooleyn doono dhaqaalaha.

    Balse arrimahaasi ayaa ku xirnaan doona sida uu xisbigiisa cusub ee “The Republic on the Move” uu ugu guulaysto doorashada baarlamaanka ee dhacaysa bisha soo socota.

    Weriye ka tirsan BBC ayaa sheegaya in haddii uu Macron ku guuldaraysto isbedelka uu ballanqaaday, uu noqon doono sida madaxweynaha xilka ku wareejiyay, Francois Hollande, kaasoo waqtigiisu dhammaaday asagoo aan shacbiyad badan haysan.

    Boqolaal boolis ah ayaa sugayay ammaanka caasimadda Paris intii ay socotay xaflada caleema-saarka oo ka dhacday qasriga madaxtooyada ee Elysee Palace.

    Faransiiska ayaa xaalad degdeg ah ku jiray tan iyo weerarradii sanadkii 2015 ka dhacay caasimadda Paris, kuwaasoo ay ku dhinteen 137 qof.

    Macron ayaa Isniinta beri ah booqan doona caasimadda Berlin ee dalka Jarmalka, si uu hogaamiyaha dalkaasi Angela Merkel ugu xaqiijiyo taageerada uu u hayo Midowga Yurub.

    Sidoo kale waxaa la filayaa in uu dhawaan magacaabo ra’iisul wasaare.

    Caqabadaha uu wajahayo madaxweynaha cusub ayaa waxaa ka mid ah shaqa la’aan haysata dhalinyarada Faransiiska iyo dhaqaalaha gaabiska ku socda.

     

     

    Xigasho BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.