Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxda Fadaraalka oo Hanbalyo ka diray Maalinta Ciidanka xooga Dalka Somaliyed
    Somalia

    Madaxda Fadaraalka oo Hanbalyo ka diray Maalinta Ciidanka xooga Dalka Somaliyed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 12, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa munaasabadda xuska sannad-guurada 57-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku began 12-ka April, hambalyo u diray sareeyayaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, Aliflayda, dableyda iyo xaasaskooda.

     Waxaa uu Madaxweynaha sheegay Soomaaliya ay ku jirto xaalad ay dib u dhis ku sameyneyso ciidankeeda, dhanka kalena ay dagaal kula jirto cadow.

    “Ciidankeena waxaa uu ku tallaabsadey guulo waaweyn, iyagoo duruufo adag ku shaqeynaya. Waxaan awoodnay inaan wiiqno awoodda cadowga argagixisada, taasina waxay muujineysaa niyadda, geesinimada iyo waddaninimada ciidanka. Waa hubaal in waddamo badan oo inaga xaalad wanaagsan aysan weli guulo la taaban karo ka gaarin la dagaalanka argagixisada, marka la barbardhigo ciidankeena’, ayuu yiri Madaxweynaha.

     

     

     

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa isna hambalyo iyo bogaadin u diray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed xuska maalinta ciidanka awgeed, isagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

     

     

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ugu hanbalyeeyey munaasibadda sanadguurada 57aad ee maalintii la asaasay Ciidanka Xoogga ee 12-kii April, sannadkii 1960-kii. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay yihiin dhidibada uu ku taagan yahay Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana ay taariikh weyn ku leeyihiin dalkeenna.

    “Waxaan halkaan hanbalyo ballaaran uga dirayaa saraakiisha, saraakiil-xigeenka, dableyda iyo qoysaska Ciidanka Xoogga, waxaan ugu hanbalyeynayaa munaasibada 12-ka April. Waxaan ciidankeenna geesiyaasha ah u rajaynayaa horumar iyo inay ku guuleystaan hawlaha iyo waajibaadka qaran ee loo igmaday” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

     

     

    Wasiirka Gaashaandhigga Sooamaliya ayaa u hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil xigeennada, dableyda, alifleyda iyo xaasaskooda xuska maalinta ciidanka xoogga dalka awgeed, waxaana uu u rajeeyay in sanadkan kiise kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

     Wasiirka Difaaca Soomaaliya  oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xuska 57 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka awgeed ugu hambalyeeyay

    “12-ka April waa markii la aas aasay ciidanka xoogga dalka, waana munaasabad nagu weyn oo tilmaameysa hogaanka iyo difaaca dalka, waxaana ciidamada xoogga dalka ugu hambalyaynayaa inay ku gaaraan horumar iyo baraare, iyo wadanka oo laga ciribtiro argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.