Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Hir-Shabelle oo gaaray Baledweyne kulamana kula qaatay bulshada qaybaheeda
    Somalia

    Madaxweynaha Hir-Shabelle oo gaaray Baledweyne kulamana kula qaatay bulshada qaybaheeda

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 25, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dowlad goboleedka  Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa halkaasi galabta kulan kula qaatay xubno ka socday bahda waxbarashada ee gobolka Hiiraan, iyo aqoonyahanada magaaladaasi Ku dhaqan.

     

     

     Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa sidii u dhiiragalin lahaa madaxweynaha, waxbarashada, iyo in uu ku baraarujiyo in lagama maarmaan ay tahay xoojinta isdhex galka bulshada taasi oo qeyb ka qaadan karaan macalimiinta iyo maamulada dugsiyada waxbarasho.

    Aqoonyahanada iyo Xubnaha matalayay bahda Waxbarashada ayaa Madaxweynaha sharaxaad ka siiyay sida ay u shaqeeyaan iyo caqabadaha heysta, ayagoo ka dalbaday dowladda Hirshabelle in ay ka gacan siiso horumarinta Waxbarashada.

     

     

    Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in gobolka Hiiraan xoghaye iyo agaasimayaal matala wasaaradda waxbarashada la magacaabi doono si ay u sahlanaato ka wada shaqeynta horumarinta waxbarashada.

    Madaxweynaha oo sii hadlay ayaa aqoonyahanada ka codsaday in ay garab istaagaan dowladnimada xilna ay iska saaraan horumarinta is dhex galka bulshada Iyo amniga.

    Kulankaasi ayaa waxaa madaxweynaha ku  wehlinayay agaasimaha guud ee madaxtooyada Hirshabelle C/qaadir Cabdulle Xooshow, guddoomiyaha gobolka Hiiraan mudane Cali Jeyte, iyo mas’uuliyiin kale, waxaana inta madaxweynuhu uu Ku suganyahay Beledweyne uu kulamo kale duwan uu la yeelan doonaa qeybaha kale duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada Qalabka sida Iyo kuwa Amisom, iyadoo uu booqan doono meela kale duwan oo magaaladaasi ah.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.