Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Jubbaland oo amar dul-dhigay Golaha Wasiirada (VIDEO)
    Somalia

    Madaxweynaha Jubbaland oo amar dul-dhigay Golaha Wasiirada (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 20, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta soo xiray kulan wadareedka dardar galinta hiigsiga Xukuumada oo socday mudo sadex maalmood ah.

    Kulankan oo ahaa mid golaha Xukuumadu ay ku qaada dhigayeen hiigsiga Xukuumada iyo qorshayaasha Dowlada ayaa waxaa lagu jaangooyay in isbadal muuqda lagu sameeyo shaqooyinka iyo howlaha ay hormuudka ka yihiin wasaaradaha kala duwan ee Dowlada.

    Madaxweynaha kulanka soo xiray ayaa tilmaamay in loo baahan yahay dhamaan qorshayaasha halkan lagu gaaray in si dardar leh loogu badalo shaqooyin joogto ah oo lagu bari taaro shaqada ay hayaan wasaaradaha kala duwan.

    Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in muhiimada kulankan ay tahay in wax laga badalo hanaankii hore ee wasaaradaha ay ku shaqayn jireen isla markana isla xisaabtan joogto ah lagu sameeyo howlaha baxaada leh ee wasaaradaha ay qabtaan.

    Madaxweynahu wuxuu sheegay in guddiga shaqada iyo shaqaalaha ay masuuliyad ka saaran tahay la xisaabtanka shaqaalaha dowlada iyadoo la hubinayo habsami u socodka shaqada iyo joogtaynta gudashada waajibaadka cid walba saaran.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.