Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Jubbaland oo daah-furay Hanaanka Adeeg daadejinta Dowladaha hoose (VIDEO)
    Somalia

    Madaxweynaha Jubbaland oo daah-furay Hanaanka Adeeg daadejinta Dowladaha hoose (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 23, 2021Updated:October 23, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa daah furay hanaanka Adeeg daadajinta Dowlada Hoose oo ay hirgalinayso Wasaarada arimaha gudaha Federaalaynta iyo dib u heshiisinta Dowlada Jubaland.

    Madaxweynaha ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada loona baahan yahay inay u diyaar garooban sidii ay usoo dooran lahaayeen dadka matalaya taas oo ay garab socoto in hanaanka adeeg bixinta hoos loo dhaadhiciyo oo qof walba uu meesha uu joogo ku helo adeega Dowlada.

    https://www.facebook.com/Jubalandstatehouse/videos/401694951514470

    Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in hanaanka maamul ee dalku uu yahay mid heerar kala duwan ah, isagoo ka kooban Dowlada Federaalka ah Dowadaha xubnaha ka ah iyo Dowladaha hoose sidaasna hanaanka adeeg bixintu uu u yahay mid u baahan in lasii dhaadhiciyo oo is kabaya.

    Madaxweynahu wuxuu sheegay barnaamijka JPLG-gu uu yahay mid wax badan kusoo kordhin doona Jubaland gaar ahaan mashaariicda iyo adeegyada aas aasiga u ah nolosha, iyadoo Dowlada Jubaland ay dhinaceeda qeyb ka qaadanayso sidii uu u hirgali lahaa gaar ahaana Madaxweynahu uu soo dhisayo Xafiiska Wasaaradaha shaqadan qabanaya la shaqayn lahaa.

    Waxaa Madaxweynahu uu faray Wasaarada arimaha gudaha iyo deeqbixiyaasha barnaamijkan fulinaya inay soo dhisaan golayaasha deegaanka oo lagu bilaabayo Degmada ceelwaaq ee gobolka Gedo oo hada diyaar u ah iyadoo lagu xijin doono degmooyinka kale si shacabku ay usoo doortaan dadka matalaya oo ayna magacaabis ugu iman.

    Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Wasaarada arimaha gudaha Federaalaynt iyo dib u heshiisinta shaqadii wanaagsanayd ee ay kasoo qabatay bilowga barnaamijkan taas oo ah mid bogaadin mudan.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.