Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha oo soo gaabiyay safarkii Ethiopia, kuna soo wajahan Muqdisho
    Somalia

    Madaxweynaha oo soo gaabiyay safarkii Ethiopia, kuna soo wajahan Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 4, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo gaabiyay safarkiisa uu ku joogo dalka Ethiopia si uu uga qayb galo aas Qaran oo loo sameynayo Wasiirkii howlaha guud ee xalay lagu dilay Muqdisho.

     War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horeyn waxaa shacabka iyo ehelada marxuumka looga tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Marxuum Cabaas Siraaji oo xalay lagu dilay Muqdisho.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdiga la socda ee ku sugan magaalada Adis Ababa ayaa soo gaabiyey booqashadii ay ku joogeen dalka Ethiopia, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda ay wafdiga Madaxweynaha soo gaaraan magaalada Muqdisho oo loogu sameynayo Aas Qaran.

    Dowladda Soomaaliya waxay u xaqiijineysaa qoyska marxuumka iyo guud ahaan shacabkaba in baaritaan dhab ah lagu sameyn doono falkan. Cid walba oo ku lug yeelata waxaa la marsiin doonaa sharciga.

    Marxuumka waxaa lagu yaqaanay waddaniyad, karti iyo hufnaan, waxa uuna naftiisa iyo waqtigiisa u huray dalkiisa iyo dadkiisa. Waxa uu ahaa shakhsi muhiim ah oo ka baxay qaranka Soomaaliyeed oo idil. Geeridiisa aad bey noo wada taabatay.

    Waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa uga baryeynaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qaranka iyo qoyska uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo. Aamiin

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.