Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland oo daah-furay Olalaha Ururrada Siyaasadda (VIDEO)
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland oo daah-furay Olalaha Ururrada Siyaasadda (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 25, 2021Updated:September 25, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta daah-furay Ololaha Ururadda Siyaasadda Puntland oo todobaadkan ka bilowmaya degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl oo ay ka dhici doonaan doorashooyin hal Qof iyo hal cod ah.

    Madaxweynaha ayaa la wadaagay bulshada in shaqo adag laga soo maray in maanta lasoo gaaray ololaha ururadda Siyaasadda iyo codeynta dadweynaha oo ah riyadii bulshada Puntland oo rumowday, wuxuuna bogaadiyay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Hay’adda PDRC , Dallada Ururadda Bulshada ee PUNSAA iyo dhammaan dadkii ka shaqeeyay shaqada wanaagsan ee qabsoontay.

    https://youtu.be/sQCY-1M0voE

    Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dowladdu ka dhabeysay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland,si awooda shacabka loogu dhoweeyo oo ay madaxdooda usoo doortaan. Wuxuuna u mahadceliyay Ururadda Siyaasadda iyo Shacabweynaha Puntland isagoo u rajeeyay Bulshada tartan Caafimaad qaba.

    Puntland gaar ahaan Saddexda Degmo ee kala ah Qardho, Ufeyn iyo Eyl waxaa todobaadkan ka bilowmaya Ololaha Ururadda Siyaasiyadda Puntland oo socon doona muddo bil ah, waxaana degmooyinkaasi ka dhici doonta 25-ka October 2021, Doorasho qof iyo cod ah oo shacabku kusoo dooran doonaan Xildhibaanada goleyaasha deegaanka.

    Taariikh cusub ayeey u tahay dadweynaha reer Puntland, Doorasho Qof iyo cod ah waa markii ugu horeysay ee ay ka hirgelayso Puntland, waxayna tani ka midtahay ballan qaadkii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu sameeyay xiligiisii ololaha doorashada.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.