Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland oo ka qeybgalay isku soo baxa taageerayaasha KAAH (VIDEO)
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland oo ka qeybgalay isku soo baxa taageerayaasha KAAH (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 27, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Deni, Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH oo safar shaqo ku yimi Qardho ayaa maanta taageerayaasha Ururka KAAH kala qeybqalay isu soo baxa koowaad ee maalmaha ololaha doorashadda.

    Madaxweynaha ayaa markii uu qardho soo gaaray qaatay kaarka codbixiyaha si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee ka qabsoomaysa Qardho, Ufeyn iyo Eyl , 25- October 2021.

    Intaasi kadib, Madaxweynaha Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu taageerayaasha KAAH kala qeybgalay isu soo baxa koowaad ee ololaha doorashada Ururka.

    Madaxweynaha oo fagaare kula hadlay taageerayaasha Ururka KAAH, wuxuu uga mahadceliyay sida ay cududooda u muujiyeen iyo in ay door muhim ah ka qaateen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, oo ah marxalad cusub oo Puntland gashay.

    Madaxweyne Deni ayaa la wadaagay bulshada isu soo baxday, in Golaha deegaanka ee ay si Qof iyo Cod ah ku doortaan uu noqon doono mid wax badan ka bedelan kuwii hore oo hurmar u horseedi doona, sidoo kale wuxuu xusay in KAAH ay fursad siisay dadka barakacayaasha ahaa oo hada Ururku usoo sharaxay ka mid noqoshada golaha deegaan degmada Qardho.

    Munaasabadda waxaa ka qeybgalay, Golaha fulinta, xubnaha golaha dhexe ee Ururka KAAH iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Qardho, Iyadoo sidoo kale isu baxyo kan la mid ah uu Ururku maanta ka sameeyay magaalooyinka Eyl iyo Ufeyn.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.