Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay Madaxda Hay’addaha UN-ka iyo kuwa NGO-ga.
    Somalia

    Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay Madaxda Hay’addaha UN-ka iyo kuwa NGO-ga.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 31, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 31 May 2017 qasriga Madaxtooyada Garoowe kulan kula yeeshay madaxda Hay’addaha UN-ka iyo kuna NGO-ga ee ka hawl -gala Puntland.

    Madaxweynaha ayaa waxaa kulanka ku wehelinaayey Madaxweyne kuxigeenka Puntland Egn. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey ahna guddomiyaha guddiga abaaraha Puntland, Wasiirka Qorsheynta Iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Dr. Shire Xaaji Farax  iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

    Muhiimada kulankan maata uu madaxweynaha Dawladda Puntland la yeeshay Hay’ada UN-ka iyo Kuwa NGO-yada ayaa waxay ahayd la xisaabtanka Hay’adahaasi shaqada dalka ay ka qabtaan iyo sidii wax looga qaban lahaa  waxyeelada ay reebtay abaartu.

    Dhinaca kale Madaxwqeynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kulan ka furay ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay in laga diyaar garoobo abaaraha soo noqnoqday iyo mustaqbalka sidii wax looga qaban lahaa, isla markaana waydiiyey  Hay’adahaasi  qorshaha uga degan ka hortaga abaaraha, waxqabadkoodii xiligii abaarta iyo sidii ay uga qayb qateen gurmadkii loo fidinaayey dadka abaartu waxyeelaysay.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn sheegay in hay’addaha UN iyo kuwa NGO-ga ay Puntland waxbadan ka qabteen, isla markaana ay dedaal badan muujiyeen xiligii adkaa ee ay jirtey abaartu, waxaana uu kubooriyey inay sii wadaan dedaalka iyo dardargelinta shaqooyinka muhiimada u leh shacabka Puntland.

    Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo kahadlay saamaynta abaartii baaxada lahayd ee ka dhacday guud ahaan Geyiga Soomaalidu degto ayaa sheegay in ay  reebtay raad ay adag tahay inay ka soo kabtaan dadka xoola dhaqatada ahi madaama ay kabaxeen in badan oo kamida dadkaasi xoolihii ay manaafacaadsan jireen abaartaasi darteed.

    Ugu danbayn:  Madaxweyne Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in iminka ay lagama maarmaan ay tahay in lasyka kaashado sidii looga hortigi lahaa aafooyinka ay abaaruhu keenaan, waxaana uu xaqiijiyey in ay si degdega ugu baahan yihiin in la xaqiijiyo noloshooda iyo  sidii loogu hagar bixi lahaa inay helaan Hu’, caafimaad, Raashin iyo dhaqaale ku filan si ay u maareeyaan noloshooda.

    –DHAMMAAD—

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYAA DAWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.