Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay isagoo fara maran
    Somalia

    Madaxweyne farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay isagoo fara maran

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 11, 2017Updated:April 11, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Maxamed C/laahi “Farmaajo” ayaa dalka dib ugu soo laabtay keddib markii uu soo dhameystay safar shaqo oo uu ugu maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

     Madaxweyne Farmaajo ayaa intuu uu booqanayay dalka isutagga Imaaraadka Carabta waxa uu kulamo la qaatay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sarreeysa dalkaasi isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashi dhinacyo badan leh oo ay yeeshaan labada dal.
    Xogo hoose oo laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in laysku afagaran waayay kulamadii dhacay ilaa iyo hada.
    Madaxweyne farmaajo ayaana dib ugu soo laabtay Muqdisho isagoon wax is afgarad ah la gaarin masuuliyiinta Dawlada Imaaraadka.
     
    Inkastoo aan si rasmiya loo hayn qodobada laysku afgaran waayay hadana wararku waxay intaa ku darayaan in Madaxweyne Farmaajo iyo masuuliyiinta Imaaraadku markale kulmi doonaan oo ay iskugu soo laaban doonaan wada xaajood labaad,kaasoo aysan cadayn xiliga iyo meesha uu ka dhici doono kulankaas labaad.
     
    Madaxweyne Farmaajo ayaa dadaal xoog leh ugu jira in uu beesha caalamka ku qanciyo in isaga looga danbeeyo loona soo maro wax alaale iyo waxii ku saabsan arimaha somaliya,madaama uu yahay madaxweynaha dawlada Fadaraalka.
     
    Halka Beesha caalamka iyo dawlad Goboleedyada qaybta ka ah dawlada Fadaraalku ay fikirkaas kasoo horjeedaan una arkaan fudayd iyo qorshe wakhtigisii aan si dhab ah loo gaarin.
     
    Soomaaliya ilaa iyo 26-kii sano ee lasoo dhaafay malahayn Dawlad dhexe oo xoog leh ,isla markaana hanata guud ahaan Dalka,
     
    Dawlada Fadaraalka ah ee xiligan ka talisa Villa Somaliya ayaan wali hanan kalsoonida guud ahaan Somalida,waxayna la kacaa kufaysaa xasilinta iyo gacanta ku qabashada maamulka iyo amniga caasimada dhibka badan ee Muqdisho
     
    Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ayaa la oran karaa waa laablakac aan ku salaysnayn waaqiciga Somaliya,dawlada uu hogaamiyo xiligan ayaa u baahan oo kaliya in ay wakhti iyo dadaal xoog leh galiso isku soo dhawaanshaha bulshada somaliyed iyo ku qancinta guud ahaan Somalida nidaamka fadhiya Villa Somaliya.
     
    Qorhaha Madaxweyne Farmajo ee fudaydku ka muuqdo waxuu abuuri kara fashil deg-deg ah iyo dib u dhac kale oo ku yimaada dawladnimada Somaliya ee hada dib u bilawday in ay tukubto.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.