Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Gaas iyo wakiilka xoghayaha guud ee Somaliya oo ku kulmay Muqdisho
    Somalia

    Madaxweyne Gaas iyo wakiilka xoghayaha guud ee Somaliya oo ku kulmay Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 14, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 14 April 2017 kulan kula yeeshay magaalda muqdisho gaar ahaan xafiiskiisa wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Michael Keating.

     

     

    Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Agaaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland iyo sidoo kalena waxaa iyaguna qayb ka ahaa kulanka qaar kamida  shaqaalaha xafiiska Ambassador Michael Keating.

    Kulanka Madaxweynaha iyo Ambassador Keating ayaa waxaa lagaga wadda hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen  abaaraha, shirka Lodhon ee wadanka UK, Amaanka iyo sidii loo dhisilahaa ciidan qaran oo hanankara amniga guud ee Soomaaliya.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn uga warbixiyey  Ambassador Keating abaarta baaxadaleh ee ka jirta gobolada Puntland taas oo sii lixaad sanaysa maalinba maalinta ka danbaysa, isla markaana saamaynteedo ay marayso inay qoyays badani ku soo xeroodaan magaalooyinka iyo tuulooyinka Puntland iyagoo miciin-bidaya, hadana aanay meela kagga hadhayn diifta iyo dayaca ay ugusatay abaartu dadkaasi dhibaataysan.

     

     

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in loobahan yahay in markasta lasii laban-laabo gurmadka lagu caawinayo dadkaasi, Dawladda Puntland iyo shacabkeeduna aanay marnaba ka daali doonin sidii wax loogu qaban lahaa walaalahooda tabaalaysan, waxaana uu madaxweynuhu hoosta ka xariiqay inay markasta lagama maarmaan tahay in beesha caalmku gacan ka gaysato caawimaada loo fidinaayo shacabka dhibaataysan meelkasta oo ay ka joogaan Soomaaliya.

     

     

    Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa Ambassador-ka kala hadlay dhisida ciidan qaran oo dib u hanta amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya oo ku suntan sidii ay usoo celin lahaayeen Dawladd nimo suumaliyeed oo salka ku haysa sinaansho, eexla’aan iyo midaynta Shacabka Soomaliyeed, isla markaana dib u hanta Amaanka guud ee dalka.

    Wakiilka Qaramahada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomarliya Ambassador Michael Keating ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin inay qayb ka noqdaan gurmadka lagu caawinayo dadka abaaruhu saamyeen, isla markaana ay tixgelin gaara mudan yihiin Dawladda Puntland madaama ay ku soo hayaameen xoolodhaqato Soomaliyeed oo ka kalatimi Dawladd deegaanka Soomalida Itoobiya, Koonfurta, Waqooyinka iyo Galbeedka Soomaaliya.

    Ambassador Keating ayaa sidoo kale shaagay inay xaqiiqo tahay talada iyo tuusaalooyinka Madaxweynaha Dawladda Puntland ee ku adan dhisida ciidan qaran oo dib u hanta amaanka guud ee dalka Soomaliya.

     

     

    Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta u heelan  taageerida iyo garab istaaga shacabka Puntland ee ay abaartu saamaysay, waxaana uu hormuud u yahay isukeenida shacabka Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa dawladd Soomaliyeed oo ka turjunta markasta rabitaanka shacabkeeda.

    –DHAMMAAD—

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA, IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wada xaajoodkii oo fashilmay iyo Xasan oo la qaawiyay

    August 13, 2025

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    August 11, 2025

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    August 10, 2025
    Latest Posts

    Wada xaajoodkii oo fashilmay iyo Xasan oo la qaawiyay

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Faahfaahinta Deegaamada ay Ciidamada PL Gacanmarinayaan

    Ciidamada PL oo ku dhaqaaqay Gacan marinta Godadka argagixisadu ku gubato

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.