Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Gaas iyo Wasiirka arimaha dibada itoobiya oo kulan gaar ah wada qaatay
    Somalia

    Madaxweyne Gaas iyo Wasiirka arimaha dibada itoobiya oo kulan gaar ah wada qaatay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 23, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu ayaa maanta 23 April 2017 kulan ku yeeshay magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia oo uu ka dhacayo shirka madaxda Africa ee Tana High Level Forum.

     

     

    Kulankan u dhexeeyey Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Wasiirka arrimaha dibadda dalka Ethiopia ayaa waxa ay kaga wada hadleen arrimo la xidhiidh ammaanka labada dhinac madaama ay Puntland iyo Ethiopia leeyihiin xuduud dhuleed aad u ballaadhan, Abaaraha baaxaddaleh ee ka jira Soomaaliya Gaar ahaan Puntland, iyo iskaashiga dhanka ganacsiga iyo ammaanka ee labada dhinac

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn wasiirka u sheegay in iskaashiga dhanka amaanka dawladda Puntland iyo dalka Ethopia uu heer wanaagsan joogo, hadana markasta ay muhiimtahay inla wadaago xogo ku saabsan arrimaha amaniga iyo hadba wixii soo kordha madaama ay Puntland iyo Ethopia xuduud dhuleed aad u ballaadhan

    sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu xaqiijiyey in guud ahaan geyiga Soomaalidu degto ay ka jirto abaar sababtay in dad dadan oo shacab Soomaaliyeed ahi u dhintaan macaluusha ay sababtay abaartu, kuwo kalena ay miciin bidaan inay ku soo xeroodaan magaalooyinka iyo tuulooyinka gobolada Soomaaliya kadib markii ay ka idlaadeen xoolihii ay manaafacaadsan jireen.

    Madaxweynaha ayaa waxaa kale oo uu tibaaxay in dawladda Puntland ay ku soo hayaameen xoolo dhaqato Soomaaliyeed kuwaas oo ka kala yimi dawladd degaanka Soomaalida Ethiopia, Waqooyiga, Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya, waxaana uu cadeeyey in dawladda Puntland iyo shacabkeeda oo iskaashanaya ay gargaar bini aadan-tinimo iyo mid walaal tinimoba ay u fidiyeen si hagrasho la’aanana dadkaasi, isla markaana ay ku soo dhoweeyeyn degaanada Puntland.

     

     

    Dhinaca Kale Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlaya iskaashiga labada dhinac ee dhanka ganacsiga iyo mashaariicaha horumarineed ayaa hoosta ka xariiqay in ay tahay wadiiqo cusub  oo wanaajin karta xidhiidhka wanaagsan ee Puntland iyo Ethiopia, waxaana uu sheegay madaxweynuhu in dawladda Puntland diyaar u tahay adkaynta iyo wanaajinta xidhiidh kaasi gaamurey.

     

     

    Wasiirka arrimaha debeda dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu ayaa dhankiisa sheegay in ay diyaar u yihiin adkaynta xidhiidhaka wanaagsan ee ka dhexeeya Puntland iyo dalkiisa, isla markaana waxa uu tilmaamay in iskaashiga dhanka amaanka ee Puntland iyo Ethiopia u dhexeeyaa uu yahay mid mudnaantiisa leh markastana ay diyaar u yihiin xaajintiisa, waxaana uu Puntland iyo shacabkeeda ku amaanay nabada gaamurtey ee ku timi kalsoonida shacabka iyo dawladda ka dhexaysa.

     

     

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu marti geliyey kulan lagaga hadlayey nabadaynta iyo xasilinta xaalada dalka Koonfurta Suudaan, kulan kaas oo ay kasoo qayb galeen Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Hailumarima iyo sidoo kale Madaxweynayaasha dalalka Liberia, Botswana, Burundi, Maser, Malawi, Sudan iyo dalka  Nigeria.

    –DHAMMAAD—

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.