Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Gaas oo kaga qaybgalay Muqdisho shirka madaxda Qaranka
    Somalia

    Madaxweyne Gaas oo kaga qaybgalay Muqdisho shirka madaxda Qaranka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 15, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynah Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka qayb galay shirka ay yeshaan  madaxda DFS iyo Dawladdaha Xunbinta  ka ah, shirka ayaa ka dhacay madaxtooyada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

     

     

    Shirka waxaa Madaxweynaha  ku wehelinaayey Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS Ra’iisul wasaaraha Soomaliya, Madaxda maamul goboleedyada dalka iyo masuuliyiinka tirsan goloyaasha dawladda Puntland.

    Shirka ayaa waxaa lagaga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen marxalada siyaasadeed ee dalku ku sugan yahay, sii xoojinta xidhiidhka DFS iyo dawladdaha xunbinta ka ah, Abaarta baaxadale ee ka jirta Soomaaliya, qaab-dhismeedka iyo dhisida ciidanka qalbka sida iyo talooyin kale oo dheeraada.

     

     

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas oo hadal muhiima ka jeediyey shirka ayaa ugu horayn ka hadlay kana talo bixiyey dhisida ciidan qaran oo isku dhafa waxaana uu sheegay madaxweynuhu in Dawladda Puntland ay diyaar u tahay wax kasta oo dan u ah Soomaaliya maslaxadooduna ku jirta oo ah midnimada ummadda Soomaliyeed oo ku midaysan hal magac iyo hal hadaf.

    Madaxweynaha ayaa hosta ka xariiqay in ay hawl badan iyo dedaal badan u baahan tahay dhisida ciidankaasi isla markaana loo baahan yahay in laga yeesho hadaf midaysan oo suuragal ka dhigi kara hirgelinta ciidan ka beri ah siyaasad iyo qabiil mid koodna.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tibaaxay in dib loofiiriyo ciidamada ajanebiga ah ee jooga Soomaaliya kuwaas oo aan ka wax qabad roonayn cidanka Soomaliyeed ee hadh iyo habeen u heegan ilaalinta sharafta, cisiga iyo karaamada ummaada Soomaliyeed, isla markaana waxa uu ku booriyey madasha in meel looga soo wada jeesto soo afjarida firxadka Al-shabaab ee wakhtigoodu gabaabsiga yahay.

    Dhinaca kale waxa uu Madaxweynaha Puntland ku adkeeyey masuuliyiinta kale ee shirka kala qayb galay in shirka dhowaan ka dhicidoona Lodon ee lagaga hadli doono arrimaha Soomaliya laga yeesho hadaf cad oo dan u ah masiirka iyo horumarinta shacaka Soomaliyeed.

    Madaxweynaha oo kahadlaya abaarta ka jirta Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Puntland ayaa waxa uu sheegay in ay marayso marxad adag, waxaana  loona baahan yahay buuyiri in meel looga soo wada jeesto gurmad deg-dega oo lagu caawinayo dadkaasi dhibaataysan.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Dawladda Puntland iyo shacabkeedu  ay diyaar u yihiin wada shaqaynta Dawladda Fadaraalka, waxaana uu cadeeyey in ay garab buuxda ku siin doonaan wax kasta oo Puntland ka caawin karto, madaama ay Puntland leedahay Khibrad 18 sano ah kagana duwantahay maamulada kale ee xubinta ka ah DFS.

    –DHAMMAAD—

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wada xaajoodkii oo fashilmay iyo Xasan oo la qaawiyay

    August 13, 2025

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    August 11, 2025

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    August 10, 2025
    Latest Posts

    Wada xaajoodkii oo fashilmay iyo Xasan oo la qaawiyay

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Faahfaahinta Deegaamada ay Ciidamada PL Gacanmarinayaan

    Ciidamada PL oo ku dhaqaaqay Gacan marinta Godadka argagixisadu ku gubato

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.