Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Geelle oo QM uga warbixiyay xaalada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya
    Generated by IJG JPEG Library
    Somalia

    Madaxweyne Geelle oo QM uga warbixiyay xaalada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 24, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa xalay khudbad horay loo duubay ka jeediyay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda magaalada New York ee dalka Mareykanka, isaga oo ka hadlay arrimo dhowr ah.

    Madaxweyne Geelle ayaa khudbadiisa waxaa uu uga hadlay xaaladda Soomaaliya, dagaalka Itoobiya iyo sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa Jabuuti iyo Eritrea.

    Waxaa uu sheegay in jabuuti ay ka go’an tahay sidii ay ugu tilaabsan laheyd wadamada geeska Afrika mustaqbal ku dhisan nabadgelyo iyo xasilooni leysku haleyn karo iyo maskax dhaqaalenoo ay ka wada faa’iideystaan dhamaan wadamada Geeska Afrika, sidoo kalena uu ka xun yahay qaabka sidii loo baahnaa ay ugu socon waayeen dadaalkii la isugu soo dhaweeynayay dalalka Jabuuti iyo Ereteriya.

    ” Jabuuti waxaa ka go’an inay markasta ka Shaqeyso dhismaha mustaqbal wanaagsan nabad waarta iyo isdhex-gal dhaqaale oo adag oo heer degmo ah oo ay ka wada faa’iidyestaan dhamaan dadyowga ku nool dalalka Geeska Afrika ayuu yiri” Madaxweyne Geelle.

    Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlayay Arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay soo dhaweyneyao horumarada ka socda Soomaaliya, sidoo kalena Golaha Ammaanka ee QM ay la wadaageyso walwalka ay ka qabaan xaaladda hadda ay mareeyso Soomaaliya.

    Khudbadda Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar oo aad u dheereed ayaa waxaa uu kaga hadlay xaalada Itoobiya, waxaana uu sheegay in ay la socdaan xaalada kajira Itoobiya, isla markaana uu rajo ka qabo inay dadku si nabadgelyo ah u wada deganaadaan.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.