Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mareykanka oo aaladaha qaar ka mamnuucaya in lala raaco diyaaradaha
    Somalia

    Mareykanka oo aaladaha qaar ka mamnuucaya in lala raaco diyaaradaha

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 21, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mareykanka ayaa qorsheynaya in qalabka korontada ku shaqeeya ee sida laabtoobyada iyo tablets-ka laga mamnuuco in lala raaco diyaaradaha uga imaanaya wadammada Bariga Dhexe iyo woqooyiga Afrika.

    Xog laga helay ilo wareedyo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in tallaabadaasi ay saameyn ku yeelan doonto sagaal ka mid ah shirkadaha duulimaadyada ku taga toban garoon oo ku yaalla dalkaasi.

    Ka hor muddo haatan laga joogo sanad ka badan ayaa diyaarad ay leedahay shirkadda Daalo ee fadhigeedu yahay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxaa dhibaato gaarsiiyay qarax waxyar un kaddib markii ay ka duushay magaalada Muqdisho.

    Baarayasha ayaa waxa ay sheegeen in qof ka tirsanaa rakaabka oo diyaaradda soo dhacay uu sitay bam lagu soo rakibay laabtoob.

    Duuliyihii diyaaraddaasi ayay u suurtagashay in uu diyaaradda soo dejiyo, waxa uuna sheegay in qofkii bamka sitay oo kaliya uu ku dhintay qaraxaasi.

    Xaalad noocaasi oo kale ah ayay u dhowdahay in mukhaabaraadka Mareykanka ay hadda ka cabsi qabaan.

    Waxa ayna ku amreen diyaaradaha duulimaadyada tooska u taga Mareykanka ee ka yimaada siddeed dal in aysan ogolaan in diyaaradaha lala soo fuulo qalabka korontada ku shaqeeya sida laabtoobyada, tablkets-ka, kaamerooyinka, qalabka DVD-ga iyo kuwa lagu ciyaaro.

    Dadka rakaabka ah ayaa wali loo ogolaanayaa in ay diyaaradda la raacaan taleefoonadooda.

    Shirkadaha diyaaradaha ayaa sida la sheegayo waxa ay heystaan muddo afar maalmood ah in ay amarkaasi ku dhaqan geliyaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.