Safaaradda dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay farriin ku socota Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada dalka Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed Hirshabeelle iyo Galmudug.
Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa waxaa Madaxda loogu booriyay inay si dhaqsi ah u dhameystiraan doorashada Golaha Shacabka ee dhawaan ka bilaabatay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Mareykanka ayaa Madaxda Dowlad-Goboleedyada ka dalbaday in doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la dardar-geliyo, ayna noqoto mid lagu kalsoonaan karo oo ku dhacda si nabad ah kahor dhammaadka sanadkaan 2021.
https://twitter.com/US2SOMALIA/status/1456678965754613765
Idilnews