Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Marxaladihii usoo maray ururka Saxafiyinta gobbolada Jubbooyinka iyo Gedo (Jubba Independent Journalists Association)
    Somalia

    Marxaladihii usoo maray ururka Saxafiyinta gobbolada Jubbooyinka iyo Gedo (Jubba Independent Journalists Association)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 17, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MARXALADAHII AY SOO MARTAY
    (JIJA)

    Ururka Saxafiyinta gobbolada Jubbooyinka iyo Gedo (Jubba Independent Journalists Association)
    ( JIJA)

    Jija Waa urur ka howlgala goboladda jubbooyinka iyo gado waxaa la asaasay dhamaadka sanadkii 2004 waxaana asaasay masuuliyiin uu ka mid ahaa allaha u naxariistee wariye nasteex daahir faarax oo 7 june 2008 gacan ka xaqdaran ay ku dishay magalada kismaayo
    wixii xilligaa ka danbeeyayna ururka waxa uu yeeshay hogaan kala duwan

    Ururka waxaa uu soo maray marxalado kala duwan asagoo u soo dhabar adeegay lashaqeynta maamuladii kala duwanaa ee soo maray jubooyinka qasatan Magalada kismaayo

    Ka dib lawaregidii maxaakiimta iyo shabaab ayaa ururka ku riday jahwareer iyo in la xiro warbanitii ugu weyneed ee waaga jubooyinka ka howl galeysay taa oo lagu magacaabi jiray radio hornafrik sidoo kale waxaa isaga tagay dalka wariyashii ka howl gali yiray jubooyinka

    02 october 2012. Deegaanada jubaland qaasatan kismaayo waxaa u baryay waa cusub kana duwan waayadii soomaray waxaa magalada la waregay ciidamada dowlad goboledka jubaland waxaa soo labtay dhamaan hayadahii dowliga iyo nidaamkii dowlad nimada lagu yiqiinay

    Waxaa dalka kusoo labtay wariyaashii ka cararay iyagoona bilaaway howlahii shaqo ee ay bulshada u hayen
    Mar hadii nidaam iyo kala dambeeyn lahelay waxaa lago’aansaday in dib loo soo celiyo Ururka Saxafiyinta gobbolada Jubbooyinka iyo gado (Jubba Independent Journalists Association)
    ( JIJA)

    19/12/2013. Wadatashiyo iyo isu imaatin ka dib waxaa lagu dhawaaqay xubnahan hoos ku qoran

    1-Guddoomiyaha Ururka JIJA : Khadar Maxamuud Xareed
    2– Gudoomiye ku xigeynka ururka JIJA: Xasan Nuur Maxamed
    3- Gudoomiye ku xigeynka 2aad ee JIJA: Najma Cusmaan Yusuf
    4- Xoghaya guud ee Ururka JIJA: Jamac Axmed Cali Joofane
    5-Madaxa Maaliyadda Ururka JIJA: C/raxmaan Bashiir Happy.
    6- Ku xigeynka Maaliyadda Ururka JIJA: Kaafiya Cumar Yuusuf
    7-Afhayeenka Uururka JIJA: Maxamed Farax Sahal (Gacmadheere)
    8- Madax Tababarada Ururka JIJA: Aadan Maxamed Salaad
    9- Xoghayaha xiriirka dibaddaUrurka JIJA: Mahad Cumar Diiriye – Nairobi
    10- Madaxa Xiriirka Wariyaasha gobbolada Jubbooyinka iyo dalka: C/Casiis Xaji Maxamud (Garyaqaan)

    Kadib ururka waxaa loo dhigay Xaflad oo ay ka soo qeebgaleen masuuli yiin u taagnaa qabashada xilka madaxtinimada Jubbaland, oo uu ka mid ahaa sheikh Shakuul. sarakiil ka tirsan maamulkii ku meel gaar ah ee magaalada ka jiray, salaadiin iyo marti sharaf kale.

    Ururka saxafiyiinta jubaland ee uu gudoomiyaha u ahaa Khadar Maxamuud Xareed ayaa shaqeeyay mudo sanad iyo bar halka barka ka lana uu ku dhameystay muran iyo isqa qabsi taa oo ugu dambeyntii dhalisay in uu xilka iska casilo Gudoomiye Khadar Maxamuud Xareed

    Xilka qaadistii Khadar Maxamuud Xareed ururka waxaa uu ka faa’iiday oo kaliya in uu qilaafka iyo muranka sii bato ilaa heer saxafiyiinta ay u kalabaxaan laba qeyb

    Mudo laga joogo sanad iyo bar jubaland kama jiro wax urur saxafiyiin ah oo dalad ku mideysan hadaba qoralkeygaan kan xiga waxaa uu lamagac baxay
    (JIJA)
    MAXAA HORTAAGAN ?

    Fadlan wariye igalaqeyb qaado Dhismaha iyo soo celinta ururka saxafiyiinta jubaland ee Jija
    Wixii fikir ah ee ad hayso fadlan hoos ku soo qor fikirkaaso oo ah mid wanaga ka shaqeynaayo Midnimada

    Mahad sanid
    W/Q Abdiqaadir Jaamac Maxamed

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wada xaajoodkii oo fashilmay iyo Xasan oo la qaawiyay

    August 13, 2025

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    August 11, 2025

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    August 10, 2025
    Latest Posts

    Wada xaajoodkii oo fashilmay iyo Xasan oo la qaawiyay

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Faahfaahinta Deegaamada ay Ciidamada PL Gacanmarinayaan

    Ciidamada PL oo ku dhaqaaqay Gacan marinta Godadka argagixisadu ku gubato

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.