Mashruuca dhismaha garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf Galkacyo oo ugu danbayn Dowlada iyo Shirkada dhisaysa,waa kala saxiixdeen.
Maalinta Dhagaxdhiga dhismaha garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf,ayaa loo cayimay Axada oo Bishu ku beegan tahay 22-Nov 2026.
Madaxweynaha ama Madaxweyne xigeenka midkood,ayaa ka qaybgalaya Dhagaxdhiga.
Mashruucan,wuxuu ku kacayaa $30-Milyan …..
- Wajiga 1-Aad,waxaa ku baxaya $20-Milyan.
- Wajiga 2-Aad,waxaa ku baxaya $10-Milyan.
Wajiga 1-Aad,wuxuu soconayaa Sadex Sano.
Wajiga 2-Aad,wuxuu soconayaa 3-Sano oo kale.
Si guud 6-Sano,ayuu soconayaa dhismaha garoonka diyaaradaha Galkacyo.
Mashruucan,wuxuu ka kooban yahay….
- Terminal.
- Run-way.
- Parking.
- Qaybta Shidaalka.
- Qaybta Dabdamiska.
Mashruucan,waxaa maalgashanaya 100% ganacsato reer Puntland ah,gaar ahaan reer Mudug ah,waxayna yeelanayaan…..
- Lacagta adeegyada yar-yar laga helo.
- Lacagta Alaab dajinta iyo rarida.
- Lacagta amaanka laga helo.
- Lacagta Parking-ka laga helo.
Ganacsatada maalgashanaysa garoonka,waxay ii xaqiijiyeen in ay hayaan 65% Lacagta ku baxaysa Mashruucan.
Dowlada Puntland?
Waxay usamaysay Ganacsatada maalgashiga samaynaysa dhiirigelin……
- Canshuur dhaaf 6- Sano ah.
- Garoonkii oo loo diyaariyay.
- Xeer aan cadaadis ku ahayn.
4.Wada shaqayn hufan iyo dhiirigelin. - Lacagta Baanka Aduunka ku kabayo Mashruucan oo dhan $ 5- Milyan.
JQ.
