Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kala socotaa dalabkii Cali Khaliif hor dhigay Somaliland?
    Somalia

    Maxaa kala socotaa dalabkii Cali Khaliif hor dhigay Somaliland?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 5, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Maxaa kala socotaa dalabkii Cali Khaliif hor dhigay Somaliland”
     
     
    Wararka lagu kasloonaan karo ee laga helayo wada xaajoodkii ku dhexmaray Jabuti Somaliland iyo kooxda Khaatumo ee Cali khaliif hogaamiyo,
     
    Warkan laga helayo ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Cali Khalif Somaliland uu hor dhigay dalab xoog leh oo ka kooban dhawr qodob,kuwaasoo kala ah:-
     
     
    1.In la siiyo Lacag 2 million oo Dolar ah.
     
    2. In uu dhiso ciidan gaaraya 1000-askari.
     
    3. In uu PL ka xoreeyo deegaamada Dhulbahante iyo Warsengeli.
     
    4. In uu ciidan dhigo duleedka Garowe oo soo xiro xuduudii ingiriiska.
     
    5. In la siiyo Madaxweyne ku xigeen iyo wasiiro dhowr ah.
     
    Hadaba dalabka Cali Khalif ayaa waxaa isku khilaafay oo ku kala jabay waftigii Somaliland ee wada xaajoodka kula jiray kooxda Cali.
     
    Waftiga Somaliland ayaa laba u kala jabay:-
     
    A.Qayb soo jeedisay in la aqbalo dalabka Cali oo ay yihiin dhamaan qodobadiisu kuwo Somaliland dani ugu jirto oo ay tahay in laga faa’idaysto xiligan.
     
    B.Qayb qabta qodobada Cali in aysan macquul ahayn khatartoodana leeyihiin,isla maraaana aysan ka dhex muuqan dan Somaliland..
     
    Dood dheer kadib waxay isla qaateen waftigii Somaliland ee wada xaajoodka kula jiray kooxda Cali Kahliif in ay dib isugu laabtaan.
     
    Sidoo kale wararka aan ka helayno Hargaysa ayaa sheegaya in shirar looga arinsanayo qodobada ay ka kooban yihiin dalabka Cali Khaliif ay ka socdaan ,waxaana xoguhu sheegayaan in Gudi arintaas si dhab ah usoo jeex-jeexa oo kasoo talo bixiya loo saaray.
     
    Dhanka kale Dawlada Puntland ayaa si hoose ula socota wada xaajoodka Somaliland iyo kooxda Cali,sidoo kale waxaa Puntland soo gaaray qodobada Cali ka codsaday Somaliland.
     
    Cali Khaliif ayaa ujeedkiisa dhabta waxuu yahay in uu Dhulbahante iyo Dhulkiisa si buuxda gacanta ugu galiyo Somaliland,
     
    Cali ayaa qaba colaad fogaatay oo ku wajahan Puntland,waana ujeedka dhabta ah ee uu ka duulayo una joogo Deegaamada Dhulbahante,isla markaana ugu jiro wada xaajoodka beesha Isaaq ee Somaliland.
     
     
    Jibril Qoobey.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    August 11, 2025

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    August 10, 2025

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    August 10, 2025
    Latest Posts

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Faahfaahinta Deegaamada ay Ciidamada PL Gacanmarinayaan

    Ciidamada PL oo ku dhaqaaqay Gacan marinta Godadka argagixisadu ku gubato

    Waa kuma Sarkaalka noqday Talyaha Africom?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.