Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga hadlayaa Shirka midowga Africa uga soconaya Addis Ababa ?
    Somalia

    Maxaa looga hadlayaa Shirka midowga Africa uga soconaya Addis Ababa ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 16, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, ayaa labo hadal jeedin ah ku yeeshay Shirka 39aad ee caadiga ah ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika oo ka soconayay Xarunta Ururka Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa maalmaha 14-15 Oktoobar oo diiradda lagu saarray baahida loo qabo xoojinta dagaalka ka dhanka ah caqabadaha ku hor-gudban Afrika.

    Kulankani oo ahaa kii ugu horreeyay ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda Afrika ay iskugu yimaadaan tan iyo markii uu dunida ku faafay cudurka Karoona feyrus, iyadoo shirarku ku qabsoomi jireen hab fogaan-arag ah , waxaana kulankani si qotodheer looga dooday ajandayaashiisa.

    Mudane Balal Cusmaan ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada xoogga leh ee Afrika si loo badbaadiyo dadkeeda iyo in la diiwaangeliyo wax taariikh u noqda qaaradda oo leh mustaqbal aad u nabdoon oo barwaaqo ah, isagoo sheegay in Afrika ay tahay tan ugu badan ee ay saameeyeen dhibaatooyinka caafimaad, isagoo xusay isku-xidhnaanta bulsho iyo dareen wadaagga aadannimo ee lagula dagaalamayo cudurrada faafa, oo ay ku jiraan COVID19, duumada, qaaxada, Ebola iyo HIV.

    Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo hadal-jeedintiisa ku gudo-jira ayaa ku baaqay in la maalgashado Soomaaliya si loo yareeyo cunno-yarida iyo nafaqo-darrada iyo in la kobciyo wax-soo-saarka beeraha gudaha dalka ku yaalla halkii laga keeni lahaa dibadda waxyaabo aan loo baahnayn, isagoo tilmaamay in caqabadaha looga gudbo iskaashi iyo wax wadaag si dalku u noqdo dambiisha cuntada ee caalamiga ah , kana horumarsan dhinacyada warshadaha, beeraha iyo caafimaadka.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.