Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirada Beesha Caalamka ? (VIDEO)
    Somalia

    Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Jubbaland iyo Safiirada Beesha Caalamka ? (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 3, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocda beesha Caalamka.

    Wafdiga waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, wakiilka Midowga afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, Safiirka Midowga Yurub, Tina Intelmann, masuuliyiin kasocday Safaaradaha Sweden iyo Norway iyo xubno kale.

    Kulankan waxaa lagaga hadlayay dardar galinta howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa xubnaha ka dhiman Aqalka Sare taas oo gogol xaar u noqon karta bilwoga aqalka hoose iyo dhamaystirka howlha Doorashooyinka.

    Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay tahay in lagu garab istaago oo loo madaxbaneeyo shaqooyinka horyaala taas oo wax badan ka tari karta shaqooyinka socda.

    Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro arimaha kasoo cusboonaday Dowlad Goboleedka Galmudug si ayna caqabad ugu noqon shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala Dowlad Goboleedkaas taas oo ay masuul ka yihiin sharciyadna u leeyahiin maamulka deegaanadaas masuuliyiinta Dowlada Galmudug.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.