Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MD Farmaajo & RW kheyre Maku saxan yihiin in degdeg Xilka looga qaado Hanti-dhowrihii Qaranka?…W/Q: Maxamed Caalim
    Somalia

    MD Farmaajo & RW kheyre Maku saxan yihiin in degdeg Xilka looga qaado Hanti-dhowrihii Qaranka?…W/Q: Maxamed Caalim

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 6, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aniga waxaan aaminsanahay in sharciga dawladu yahay wax bulshadu Soomaaliyeed heshiis ku tahay. Markaa way adag tahay in Firkir siyaasadeed Go’aan dhaqso ah lagu Gaaro.

    Markaa ma saxbaa Go’aanka Gollaha wasiirada xukuumada federaalka Soomaaliya ay xilka u qaadeen Hanti-dhowrkii guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax kadib dilkii Ilaaladiisu u gaysteen alle u ha naxariistee wasiirkii howlaha guud Cabbaas Siraaji.

    Arintan waxay tahay khalad weyn oo dhibaato ku ah in lagu kalsoonaado Dawlada Rajada shacabka ka sugayeen hogaanka Madaxweyne Farmaajo.

    Maaha sharci in Hanti dhawrka Dawlada laga dhigo inuu isagu wax dilay ama uu soo abaabulay.

    Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya waxey sameeyey wax ku waajiba oo ah inay kulan weyn u sameeyeen oo Salaada Janaasada lagu tukado Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas C/laahi Siraaji ilahay ha u naxariistee.

    Arinkaa aaska Qaran lagu sameeyey waa waajibka Dawladnimo waxaana wax lagu amaano ah in dhamaan madaxda Dawladda Faderaalka ugu saraysaa kawada qeyb galalaan Madaxweynaha dowladda federaaka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Guddoomiye Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo masuuliyin kale oo ka tirsan dowladda.

    Intaa ka dib waxay ahay in Gudi loo saaro baaritaan ku sameeya arinka oo ka kooban dhamaan hay’adaha Dawladda sida Xukumada maxkamadaha iyo Golayaasha shirci dajinta Iyadoo wax shaqo joojin ah lagu sameyn Hanti Dhawrka guud ee Dowladda.

    Mudo ka yar laba maalmood in Go’aanka xilka qaadis lagu sameeyo waxay muujinaysaa in aan waxba labaarin Sababaha xilka looga qaaday markaan akhriyey way adag tahay in Qodobadan la fahmo. Sida loo Qoray.

    1- Guddiga Baaritaanka waxay ugu horeyn dalbadeen in xasaanada laga qaado,
    2- in isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.
    3- Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil,
    4-in askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrka qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.

    Qodobadan oo dhan waxay cadeyn u yihiin in Go’aanka yahay siyaasad.
    Markaa waxaan Falanqeynta ku soo Gaba Gabaynayaa Dadka Doonaya inay Dawladda Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre ku Taageeraan Go’aan kan oo kale waa Dad Cadow u ah Dawladan waxayna doonayaan in soomaaliya marna isku dulqaadan waxna aan cadaalada loo marin

    Dawladdu waa inay muujisaa in la isku Dulqaato si wax loo hubsado.

    W/Q: Maxamed Caalim

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.