Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mid ka mid ah Askarta jabuti oo lagu dilay Buulo-barde
    Somalia

    Mid ka mid ah Askarta jabuti oo lagu dilay Buulo-barde

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 19, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Askari ka tirsan ciidamada Amisom ee qeybta Jabuuti ayaa duhurnimadii maanta lagu dilay magaalada Buuloburte ee gobalka Hiiraan.

    Sida ay  xaqiijiyeen dad deegaanka ku sugan, askariga oo ku sii jeeday xero ciidan oo ku taalla dhinaca galbeed ee magaalada ayaa waxaa si gaadmo ah ku toogtay rag sida la tilmaamay bistoolado ku hubeysnaa.

    Howlgal ay ciidamado ka sameyeen goobta ay toogashadu ka dhacay ayey ku soo qabteen dad ka ag dhowaa halka lagu dilay askariga Amisom.

    Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Djibouti ayaa xaqiijiyay dhimashada askarigan, iyagoo sheegay in la soo qabtay nin hubeysan oo loo maleynayo inuu ka mid ahaa kuwa dilka geystay.

    Maamulka Degmada Buloburte Saraakiisha Ciidamada Amisom oo ku jiro, Col. Maxamed Cilmi Habane Taliyaha Ciidamada Amisom Qeybta 4aad, ahna Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Gobalka Hiiraan oo ay VOA-du la hadashay ayaa ka gaabsaday inay xaqiijiyaan ama beeniyaan dhimashada askarigan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.