Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midawga Africa oo wafti udiraya Jazeerada Dumeyra ee laysku haysto
    Somalia

    Midawga Africa oo wafti udiraya Jazeerada Dumeyra ee laysku haysto

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 5, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Guddoomiyaha Midowga Afrika, Muusa Faki Maxamed ayaa shalay ku baaqay deganaan isagoo dhinaca kale tilmaamay in wafdi ay u diri doonaan Jaziiradda Dumeyra oo ay ku muransan yihiin labada dal ee dariska ah ee Jabuuti iyo Eritrea.
     
    Eritrea ayaa lagu eedeeyay in ay degdeg ciidamo ugu dirtay deeganka buuraha ee Dumayra kaddib markii Qadar ay kala baxday ciidamadii nabad ilaalinta ee halkaas ka joogay.
     
    Qadar ayaa labada dal dhexdhexaadineysay muranka u dhexeeya Jabuuti Eritrea, waana tan keentay in ay ciidamo geyso Jaziiradda Dumayra kaddib markii uu dhacay heshiiskii xabbad joojinta sannadkii 2010-ka.
     
    Dalka ku yaalla Khaliijka ayaa ciidamadiisa kala baxay kaddib markii labada dal ay la safteen Sacuudiga iyo seddax dal oo kale oo carbeed oo xiriirka u jaray dowladda Qadar.
     
    Qadar ayaa la baxday ciidamo gaaraya 450 askari oo nabad ilaalin ahaa kaddib markii xiirka loo jaray xukuumadda Dooxa. Eritrea waxa ay sheegtay in aysan xog ka heynin go’aanka Qadar sidaas waxaa sheegtay wakaaladda wararka Reuters.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.