Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland ma diidin wax qeybsi ee waxay doonaysaa Cadaalad
    Somalia

    Puntland ma diidin wax qeybsi ee waxay doonaysaa Cadaalad

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 23, 2017Updated:May 23, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Heshiiska oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles, ayaa fashilmay ka dib markii Puntland ay diiday inay saxiixdo.
     
    Qorshaha Heshiiskan ayaa ahaa in shirkad shisheeye oo kalluumeysi la siiyo ruqso kalluunka Tuunaha xeebaha somaliya,isla markaana dhaqaalaha ka soo baxa ay wada qeybsadaan dowladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka dawlada fadaraalka.
     
    Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cabdi Xaashi, ayaa Puntland ku eedeeyay in ay diiday heshiis ay isku raaceen intooda kale, wuxuu sheegay in Puntland ay doonayso inay la maqaam noqoto dawlada Fadaraalka Soomaaliya.
     
    “Waa nasiib darro ah in Puntland ay diiday, iyadaa ka mas’uul guuldarada shirkaas, waxay isu aragtay in sadkooda uu yahay sidii dowladda Federaalka oo kale ama ay la mid tahayba”ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya.
     
    Shirkii lagu tagi lahaa Jaziirada Seychelles, ayaa baaqday, Dowladda Seychelles waxay yiraahdeen hadii Puntland diiday shirka ma qabsoomi karo maadama ay tahay meesha ay doonayaan in ey ka kaluumaystaan.waxaana dawlada Somaliya ay sheegtay in Jaziirada Seychelles la tagi lahaa iyadoo la midaysan yahay, balse aysan dhicin.
     
    Hadaba maxay dooda Puntland ku qotontaa?
     
    Puntland ayaa ku dooday in ay leedahay xeebta ugu dheer somaliya, sidaa darteedna ay u qalanto in ay hesho saami ka badan midka ay helaan dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka.
     
    Bada Somaliya oo dharerkeedu yahay 3333-km,ayaa Bada Puntland waxay ka tahay 1644Km oo dherer ah iyo 370-Km balac ah (200 nootikal mayl) ama waxa loo yaqaano afka qalaad Exclusive Economical Zone (EEZ).
     
    Kaluunka nooca loo yaqaan Tuunada,ayaa laga helaa inta u dhaxeysa Hobyo ilaa Xaafuun oo keliya
     
    Puntland ayaa ogolaatay dhamaan shuruudihii ay dawlada fadaraalku la shir timid marka laga saaro hal shuruud,kuwaasoo kala ahaa:-
     
    1. Dowladda Dhexe ay qaadato saami gaaraya 30%
    2. In shirkad ay Dowladda Dhexe keentay loo dhiibo Maamulka.
     
    PL ayaa ku dooday in wax la qeybsado kama soo horjeedno,balse ma ahan in Gobolka wax laga soo saarayo iyo kuwo kale ay saami is le’eg wada qaataan. Maxaa yeelay Gobolka iyo Degmada laga helaa khayraad waa in loo bura daayaa,sidaa daraadeed ma aqbali karno shuruuda saedexaad ee dawlada fadaraalku la shir timid ee ah..
     
    3.In 70% soo horay si le’eg loogu qeybiyo gobolada dalka.
     
    Dadka falanqeeya arimaha dastuurka fadaraalka iyo qaybsiga khayraadka,ayaa dooda Puntland taageeray una arka mid sharciyad ku fadhida,isla markaana ku tilmaamay shuruudaha dawlada fadaraalka kuwo dawdhaaf ah.
     
    Isku soo wada duuboo PL ma diidin wax qeybsi ee waxay doonaysaa si Cadaalad ah in wax loo qeybsado.
     
    Waxaa xusid gaar ah mudan in Jubaland ay taageertay mowqifka Puntland.
     
     
    jibril qoobey.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    June 19, 2025

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.