Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo booqday kaydadka mucaawinooyinka raashinka
    Somalia

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo booqday kaydadka mucaawinooyinka raashinka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 3, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay waheliyaan Wasiirka Cadaalada Xasan Xuseeen Xaaji, Wasiir ku-xigeenka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xildhibaan Cilmi Cumar Ceynsane iyo Gudiga Abaaraha Soomaaliya ayaa si wadajira maanta u booqdey bakhaarada ay ku jiraan raashin mucaawino ah oo ay ku deeqdey Hay’adda Bisha cas ee dalka Turkiga,taasoo loogu tala galay in la gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen.

     Wasiir ku-xigeenka Wasaarada Gargaarka Cilmi Cumar Caynsane ayaa warbaahinta u sheegay in raashinkan oo dhan 12500 oo tan kana kooban noocyo kala duwan, ayaa loogu tala galay in loo qaybiyo dadka Soomaaliyeed kuwooda ay saameenta xoogan ku yeelatay abaarihii dalka ka dhacay,qof walbana goobtiisa lagu gaarsiin doono.

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u mahad celiyay dowlada Turkiga sida ay u garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed mar walbana ay la qayb sato xaaladaha adag sida abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee nolosha iyo amniga.

    “Waxaa loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay dhiri galiyaan waraabka beeraha si loo abuuro noocyada kala duwan ee dalaga ka baxa dalkeena, taasoo noo sahlaysa inaan helno cunto aan anagu abuuranay ugana baxno baahida dowladaha shisheeye”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in si cadaalada loo qaybin doono raashinkan,waxuuna tilmaamay in shaqadan ay si wada jira u maamuli doonaan madaxda WasaaradaGargaarka iyo Gudiga Abaaraha Qaran.

    DHAMMAAD

    Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
    Muqdisho, Somalia 
    media@opm.gov.so 
    Ahmednur@opm.gov.so 
    Twitter: @SomaliPM

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.