Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’isalwasaare Khayre oo dhiiragliyay ciidamo hawlgal kawada muqdisho
    Somalia

    Ra’isalwasaare Khayre oo dhiiragliyay ciidamo hawlgal kawada muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 22, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarunta Ciidamada wadajirka ah ee fulinaya Qorshaha Xasilinta Caasimada Muqdisho ka dib howlgal ay saakay sameeyeen oo ay ku soo qabqabteen hub iyo aalado kale. Sidoo kale Ra’isul Wasaaraha ayaa shacab iyo arday la fariistay goobaha shaaha lagu cabo ee Wardhiigley isagoo la sheekeystay dhalinyaradii iyo ardeydii halkaas ku sugneyd.

     Ra’iisul Wasaare Khayre oo hadal dhiirigelin ah u jeediyey ciidamada howlgalka Muqdisho ayaa ku ammaanay doorkooda geesinimada leh oo ay u istaageen inay shacabka Soomaaliyeed amnigooda iyo xasilloonidooda sugaan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta la joogo waqtigii xoojinta midnimada ummadda iyo u istaagista difaaca shacabka.

    “Anaga in aan amaano la nimaadno waaye dadka Soomaaliyeed ee aad u tagaysaan waa in aad ixtiraamtaan, laakiin sida kaliya oo aan horumar ku gaari karno waa amni, amniga waxaa ka mas’uul ah taliyeyaashiina waaye, wax walba oo aad dowladda xaq ugu leedihiin waad heleysaan,” ayuu yiri Kheyre.

    Ciidanka wadajirka ah oo saakay aroortii 6da subaxnimo ka bilaabay howlgalkooda degmada Wadajir, xaafada Xaawo Taako ee Siliga Ameerikaanka ayaa gacanta ku soo dhigay 17 Qori iyo 3 bistooladood, tuutaha militariga, kan booliiska, calaqa iyo xashiish.

    Ciidanka ayaa sidoo kale isla maanta howlgal kaa la mid ah ka sameeyey degmada Shingaani oo ay baaris ku sameeyeen goob Hubka lagu sameeyo, laguna gado. Ciidanka ayaa la soo wareegay qalabkii sameynta hubka iyo kuwii hubka looga baabi’inayey numberkooda. Waxaan goobtaas laga soo helay 2 Qori iyo 3 Bistooladood.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa maqaayad ku taala Wardhiigley la fariistay dhalinyaro halkaas joogtay oo uu ka wareystay xaaladooda. Waxaana halkaas ku soo maray ardey iskuul ka soo baxday oo uu Ra’iisul Wasaarahu wareystay xaalada waxbarashadooda. Waxaana gabdhihii ardeyda ee uu la kulmay ka mid ahaa gabdho ka yimid London UK oo Wardhiigley iskuul ka dhigta, iyagoo sheegay sida ay ugu faraxsanyihiin inay madaxdooda la sheekeystaan iyo inay Soomaaliya wax ku bartaan.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.