Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Roob-ka-daal.WQ.Maxamed Xasan “Alto”
    Somalia

    Roob-ka-daal.WQ.Maxamed Xasan “Alto”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 15, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaybta 2aad

    Xilligu waa Xagaa. Waa waqtiga ruuxa nasiinada u baahani uu nafta latacaalo oo madaddaaliyo. Wuxuu shakhsigu inta badan, waa qofkii awooda'e, gaar ahaan dadka ku dhaqan waddammada horumaray, iskuddayaa in uu daalka iyo shaqadii badnayd ee sannadka ka carraggeddisto, ka fasax-qaato oo ka dhoofo ama ka socdaalo halkii uu markaa degganaa oo ka shaqeeynayay. Waxay dadku qaar ka helaan in ay tagaan meel xeeb, cadceed iyo cimilo kulul leh. Kuwana waxay jecelyihiin kob jaanta iyo jabaqu ku yaryahay, aan qaac, qiic iyo ur naftu kahato lahayn, dhul dabeeci ah oo aanu cagtu ku badnayn.

    Raabbi Rooraaye iyo Rati Riitanen waa arday dhigata Jaamacadda London, gaar ahaan Dugsiga Daraasadaha Bariga iyo Afrikada, marka la soo gaabiyana loo yaqaan [SOAS]. Waa reer xaas ah oo is-qaba, oori iyo saygeed. Waxay soo xidheen sannad dugsiyeedkoodii saddexaad ee kulliyadda afafka iyo dhaqanka. Jimce, 29kii Juun 2007dii, fasixii kulaylaha ayay London Paddington Station tareen ka wada raaceen oo u xagaabbaxeen tuuladoodii Gotherington. Waxaa halkaas ku sugan oo si joogto ah u deggan inantooda curadda ah, Ruun Rooraaye, toddoba sano jir weeye, ayeeydeeda iyo awowgeeda xagga hooyo, Ruth iyo Ronald Riitanen, la nool.

    Waqtiga fasaxa jaamacadda lagu jiro, wuxuu Raabbi Rooraaye kolkii hore qorshihiisu ahaa in Soomaaliya, gaar ahaan degmada Galdogob, u socdaalo si uu aabbihii Dirir Rooraaye iyo hooyadii Ilroon Dhiirrane u booqdo dabadeedna u soo caanaysto. Waalidkiisii baa kula taliyey in uu doorkan imaatinkiisa ka baaqdo, waayo abaar iyo oomasoore baa dalkii ka jirey. Waxaa loo sheegey in uu yimaado xilli dhulku barwaaqo yahay oo biyo iyo baadba leeyahay. Kuddarsoo, waxaa intaa loo sii raaciyey in dadka Soomaalida ah ee BM ku nool ay dalkoodii hooyo u soo roobdoonaan oo Eebbe u baryaan in uu oommanaha ka qaado. Raabbi waa uu addeecay dardaarankii labadii dhalay, fariintii la farayna xayn rag iyo dumar isugu jirey buu u gudbiyey. Waxaa lagu ballamay in muddo dhowr toddobaad gudahood ah, habeen habeennada ka mid ah rug laysugu yimaaddo oo halkaas lagu roobdoono; in farriinta la wada gaadhsiiyo dhammaan Soomaalida BM deggan. Dabadeed, reerkiisii in uu xagaaga iskala joogo ayuu go’aansaday.

    Isla maalintaa fiidkeedii, ayay Rati iyo Raabbi tuuladoodii u hoydeen. Isla aroortii xigtay, hawshii beerta iyo reerka bay billaabeen in ay dhankooda ka qaybqaataan. Waalidkood ayaa u tiltilmaamay halkii ay wax ka qaban lahaayeen iyo shaqada qaybta iyaga kaga aaddan xilliga tuulada ay joogaan.

    Ruth iyo Ronald Riitanen waxay Gotherington ku leeyihiin dhul beeraad laba hektaar ku fadhiya. Halkaa, waxaa uga go'a dalagga beeraha, waxay ku dhaqdaan xoolo badan oo kala nooc-nooc ah. Ruth baa dhulka aabbaheed iyo hooyadeed, Peter iyo Rosemary Ransom, oo wax carruur ah keligeed ka lahaa ka dhaxashay. Tobankii sannadood ee u dambeeyey, waxaa agaasinka beerta gacanta ku hayay Ruth iyo saygeeda, Ronald, oo asal iyo abtirsiinyo ka soo jeeda Hanko, Finlaandiya.

    Waa socotaa …

    Maxamed Xasan “Alto”

    London, 27.07.2007

    xasan_maxamed@hotmail.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.