Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»RW Khayre oo si kulul u cambaareeyey falkii argagaxisada ee degmada Wadajir
    Somalia

    RW Khayre oo si kulul u cambaareeyey falkii argagaxisada ee degmada Wadajir

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 20, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyey falkii argagaxisada ay ku bartil-maameedsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

     Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu tacsi u diray dhammaan dadkii ku dhintay weerakan lagu qaaday dadka rayidka ah, waxana uu EEBBE uga baryey inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo isagoo intii dhaawacantayna u rajeeyey iney ka bogsadaan dhaawaca.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarkan lagu soo beegay xilli ay dadka Soomaaliyeed ku jireen diyaar garowga ciida iyo maalmihii u danbeeyey ee Bisha barakeysan ee Ramadan, sidaas awgeedna ay tallaabadani ka tarjumeyso ujeedooyinka gurracan ee kooxaha nabad-diidku ku doonayaan inay ku dhaawacaan dareenka dadka Soomaaliyeed si ay uga niyad jebiyaan rajada nabadda iyo dawladnimada ee aadka u sarraysa, isagoo caddeeyey in weerarada noocan ah aanay qaranka Soomaaliyeed ka leeexinayn waddada horumarka iyo dawladnimada.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kooxdan argagaxisada Al-Shabaab ay yihiin cadowga ummada Soomaaliyeed oo ay marwalba shacabka u gaarsadaan.

    Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Kooxdan argagaxisada ah ee Al-Shabaab waa naflacaari u soo jeestay inay shacabka isku qarxiyaan oo ma wadaan dan Soomaaliyeed, mana heystaan diin, waana inaan meel uga soo wadajeesano oo juhdi walba aan ku bixinaa. Waxey rabaan inay taariikhda ummada baaba’iyaan, waxey bartilmaameystaan maatada iyo carruurta, mana galaan wallaal.”

    Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu baaqay dhalinyarada kooxdan ka tirsan inay ka faa’iideystaan fursada Cafiska oo uu Madaxweyne Farmaajo u fidiyey si ay dib u dhiska dalkooda uga qeybqaataan. Dowlada ayaa u ballanqaadeysa in dhalinyaradaas la daryeelo oo ay helaan waxbarasho, daryeel iyo sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.

     

    —–DHAMMAAD—

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.