Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Saameynta biyo-xireenka Ethiopia oo aan noqon sidii la filayey
    Somalia

    Saameynta biyo-xireenka Ethiopia oo aan noqon sidii la filayey

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 26, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Biyo-xireenka weyn ee Ethiopia ay ka sameysay Nile-ka Bulugga ah ayaan sanadkan wax saameyn ah ku yeelan qulqulka biyaha ee Sudan, waxaa sidaas sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Sudan.

    Ethiopia ayaa sanado badan ku bixisay wada-hadallo xasaasi ah oo biyo-xireenka oo ay ku kacday $5 bilyan kala gashay Masar iyo Sudan, oo labaduba uu webiga maro, kana cabsi qaba inay yaaradaan biyaha soo gaara.

    Hase yeeshee wada-hadallada ayaan ku guuleysan in heshiis lagu gaaro, waxaana weli biyo-xireenka uu xuddun u yahya xiisad ka dhex oogan saddexda dal.

    Sudan ayaa sheegtay inay suurta-gal tahay in biyo-xireenka uu saameyn togan ku yeelan karo qulqulka biyaha ee xilli roobaadka, ayna rajeyneysay inay ka faa’iideysato korontada laga dhalinayo, hase yeeshee waxay ashtako ka muujisay akhbaarta la xiriirta holwgalka biyo-xireenka oo aysan ka helin Ethiopia.

    “Inkasta oo go’aan hal dhinac ah lagu buuxiyey biyo-xireenka..haddana wax saameyn ah kuma yeelan qulqulka biyaha ee sanadkan, hase yeeshee xogta aynan helin kahor buuxinta biyo-xireenka ayaa Sudan lacag badan ay uga luntay inay kasii taxadarto saameynta ka iman kartay,” waxaa sidaas yiri Wasiirka Waraabka Sudan Yasir Abbas oo qoraal soo dhigay Twitter-ka.

    Ethiopia ayaa biyo-xireenka u aragta inuu muhiim u yahay rajooyinkeeda ku aadan soo saarista awood koronto oo badan iyo horumarkeeda, waxayna ay maanta ku hayneyso danaha dalalka kale uu maro marka ay howl-gelienyso.

    REUTERS/VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.